DAAWO: Bisad Qardho ku dhimatay oo arrin muhim ah KASHIFTAY!!

0

(Qardho) 08 Feb 2019 – Ruun Cali Cabdi Kamas oo la sheegay inay tahay gabar u damqata una doodda xayawaanka ayaa waxaa ka geeriyootey bisad yar oo ay Miimi u bixisay oo ay 8 bilood xanaanaynaysey.

Ruun ayaa sheegtay in ay garan wayday wax ay samayso maadaama uusan Qardho joogin dhakhtar xoolo (Veterinarian), waxay sheegtay inay tagtay faraca Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland ee degmada Qardho, balse ay la kulantay iyada oo qufulan.

Waxay sheegtay in ay dabeeto marar kale ku noqotay balse ay misna xirnayd, kaddib waxay heshay mid ka mid telefoonkiisa isna wuxuu sheegay inuu Garoowe jiro wuxuuse siiyay mid kale oo isna u sheegay inuu isna Garoowe joogo, taasoo muujisay inaysan labadoodu is ogayn inay Garoowe wada joogaan.

Ruun ayaa sheegtay in ay markii dambe dawo soo iibsatey, balse markii ay ula tagtay dad ay sheegtay inay barteen xannaanada xoolaha kuwaasoo iyaguna ka caawin waayay.

DULUCDA SHEEKADANI MAXAY TAHAY?

Halkan waxaa ka muuqata in ay Soomaalidu jeceshahay jagooyinka, waxaad webabka ku arkaysaa magacyada xitaa qabiillada jagooyinka la magacaabo, iyadoo diiradda la saaro ”imisa kursi ayay heleen reer qansax?”, balse in badan jagooyinkaasi waxay iska noqdaan magac u yaal aan umadda waxba ku kordhin, haddiiba aysan dhibin.

Waxaa kale oo ay sheekadani muujinaysaa dareenka loo hayo xayawaanka oo aad u liita Soomaalida dhankeeda, iyadoo ayba cajiib tahay in qof ah xirfadle bartay xanaano xayawaan uu ka caga jiido inuu duro ma yeeraan jirran oo kaalmo u baahan.

Dhan waxaa looga baahan yahay in jagada aan magaca laga eegin ee micnaha laga eego, dhanka kalena waa in ay umaddu u naxariisataa waxa midigtooda ku jira si ay mashaqada haysata ee ka dhalanaysa carada Alle looga boxo.

Hadalsame Media