”Yaa barakacayaal ah ma Soomaaliga Yurub jooga mise midka dalkiisii ku nool?” – Naqdin ku socota Xil. Fiqi

0

(Oslo) 07 Febraayo 2019 – Maal mahaan dhan ayaan baraha bulsha ama Tv-yada Somalida ka maqlaa dad aad u liidaaya aragtida dad Somaliyeed oo magaalada Muqdisho ku banaan baxay iyagoo kasoo horjeedaan Mooshin la sheegay in Madaxweynaha Somalia laga keenay.

Inta badan erayaga barakacayaasha waxaa isticmaalay dad Qurba joog ah iyo siyaasiyiin laftirkood qurbaha ka yimid.

Su’aashaydu waxay tahay yaa barakece ah!?

Ma waxaa barakece ah qofka wadanka Filand iyo Norway ama Nord-Amerika Qoxootiga ku ah mise Waxaa barakece ah qofka Mudisho jooga ee dantu heysato?

Waxaan fahmi waayay in qof jooga Nord-Amerika ama yurub uu baraceyaal ku tilmaamo dad jooga dalkooda isagoo waliba ku liidaaya waxay ugu noqotay fajac iyo layaab!

Waa adduunyo oo aad maantay hadii aad heysato bari aad weyn karto ama waddanka aad joogtid halmaalin lagaa soo cayrin karo.

Sababta aan eraygaas uga xumaaday waxay tahay waxaan dalkayga kasoo hayaamay 10 sano kahor waxaan fahmi karaa xanuunka ay leedahay in laguugu yeero erayga barakece isla markaasna aad lumiso Magacaagii iyo kii dalkaagii.

Bal kawaran adoo dalkaagii joogta hadii laguugu liido in aad barakece tahay, iyadoo dareen kasta oo aad soo gudbiso laga dhigo in aad sunuud ku bedelatay!

Waxaa Qoray: Maxamuud Cigalle

Hadalsame Media