Imaaraatka oo CADDAYSTAY inuu yahay cidda ka dambaysa tashwiishka lagu furay shirka shidaalka!

0

(Al Cayn) 07 Feb 2019 – Warsidaha Imaaraatka Carabta ee ‘Al Cayn’ wuxuu qoray saakay in Shirka looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ee saakay 07.02.2019 ka furmaya London uu yahay Shirqool uu Farmaajo ku doonayo inuu ku boobayo kheyraadka Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu sheegay in ay la soo xiriireen Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay doonayaan in ay boobaan hantida Batroolka iyadoo waddanku uu weli dhameystirin qawaaniintii ku aaddanayd xeerka shidaalka.

Imaaraatku waxay intaa ku dareen in shacabka Soomaaliyeed ay soo food saartay cabsi weyn oo ku aaddan warar lagu kalsoonaan karo oo tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu 50 goobood oo Shidaal ku jiro uu u bandhigayo shirkadaha caalamiga ah, si xukuumaddiisu u boobto kheyraadka dalka.

Arrintan ayay dadka qaar u fasirteen inuu Imaaraatku yahay midka maalgelinaya tashwiishka lagu furay shirkan, isagoo adeegsanaya rag siyaasiyiin ah oo isaga ku xiran, balse ujeedka ugu dambeeya uu yahay dano istaraatiji ah oo uu Imaaraatku ku foowdaynayo Somalia.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media