ARRINTA SHIDAALKA: Soomaaliya oo taagan jid KALA BAYR ah!

0

(Hadalsame) 06 Feb 2019 – Waddankeenna Soomaaliya waxa uu maanta marayaa meel khubarada falanqeysa siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka ay ku tilmaameen sida sida qof taagan meel isgoys ama kala beyr ah oo loo baahan yahay inuu asiibo jidkii saxaha ahaa ee uu qaadan lahaa, kaasoo haddii uu qaldana ay cawaaqib xumadeeda leedahay.

Waxaa bishaan Febraayo si rasmi ah loo qiimeyn doonaa isla markaana la bilaabi doonaa shidaal ka baaridda Soomaaliya, taasoo dadka qaar ay ku tilmaameen mid aan ku habooneyn in xilligan shidaalka Soomaaliya la soo saaro.

Waxaa jirta in Adduunyada ay ka sii gudbayso xilligii shidaalka, una gudbeyso tamar ama Energy kale oo ka nadiifsan shidaalka si loo ilaaliyo deegaanka.

Haddaba khubaro kale ayaa iyaguna waxay qabaan in Soomaaliya ay ku dhiirrato Shidaalkan muddada dheer la isku maan dhaafay ee ku jira badda iyo berriga Soomaaliya inta uusan qiimo dhicin Batroolku, dunidana aysan ka gudbin isticmaalkiisa.

Maxaa dhici kara haddii lacalla ay soo saarto Soomaaliya shidaalka dhulkeeda ILAAHAY ku manneystay?

Waxaa la leeyahay waxay taasi ku xiran tahay sida ay Soomaaliya u maareyso shidaalkaasi oo haddii ay si wanaagsan u maareysana ay noqon karto dal hodan u ah sida khaliijka Carabta, haddii ay ku fashilantana noqon kara mid dhinaca Colaadaha ku sii kordhiya.

Maxay kula tahay adiga? Ma sideeda ayaa loo daayaa shidaalka Jiilal badan oo Soomaaliyeed ka qadeen oo ay ka gaajoodeen? Mise inta aan waqtigu naga dhicin oo saliiddeennu aysan qiimo beelin ayay tahay in la soo saaro?

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media