Nin uu Imaam dhalay kana soo jeeda Khilaafadii Cusmaaniyiinta oo madaxwayne ka noqday dal ku yaalla Ameerika!

0

(San Salvador) 05 Feb 2019 – Nayib Bukele, oo ay qoyskiisu asal ahaan kasoo jeedaan dalka Falastiin ayaa noqday madaxwaynaha cusub ee dalka El Salvador, kaddib markii uu helay codad ka badan 3-dii nin ee la hardamaysey oo la isu geeyay.

Ninkan ayaa sidaa bannaanka ku dhigay laba xisbi oo rubuc-qarnigii ugu dambeeyay aad uga dhex muuqdey siyaasadda dalkan ay dembiyadu la degeen ee bartamaha Ameerika.

Bukele oo dhashay 1981-kii, wuxuu noqday duqa magaalada San Salvador sanaddii 2015. Qoyskiisa ayaa magaalada Qudus kasoo tacabiray iyagoo sita baasaboorkii Khilaafadii Cusmaaniyiinta horraantii qarnigii 20-aad.

Aabihii Armando Bukele Kattán wuxuu Imaam caan ah ka yahay magaalada San Salvador.

Maxkamadda Sare ee Doorashooyinka ayaa Axaddii ku dhawaaqday in Nayib Bukele uu ku guulaystey doorashadii dalkaasi isagoo helay 54% xilli la tiriyay 90% codadkii la dhiibtey, halka hoggaamiyaha Xisbiga Isbahaysiga Jamhuuriga Waddaniga ah ee Carlos Callejas uu helay 32%.

Maadaama uu dhaafay 50%, wuxuu Bukele sidaa uga fursaday in uu galo doorasho isku celis ah oo uu la galo ninkaa kaalinta 2-aad galay.

Hadalsame Media