Guurkii ugu waqtiga gaabnaa sanadka 2019 oo Kuwayt ka dhacay! (Sida wax u dheceen & jawaabaha dadka?)

0

(Kuwayt) 05 Feb 2019 – Lamaane Kuwaiti ayaa is furay daqiiqado uun kaddib markii ay is guursadeen kaddib markii uu ninku caruusaddiisa cusub ku tilmaamay ”axmaqad”, taasoo iminka dhex xulaysa Twitter-ka.

Labadan lamaane ayaa ku kala tegey isla maxkamaddii ay isku guursadeen, iyagoo laba jeer kala saxiixay laba qandaraas guur oo ay midna isku guursadeen midka kalena ay ku kala tageen, sida uu werinayo Step Feed.

Caruusadda ayaa la sheegay inay ka carootey kaddib markii uu ninku ku camirtay mar ay hantaaturrootay iyagoo kasoo baxaya albaabka maxkamaddii ay isku guursadeen, markaasoo halkii uu ka caawin lahaa uu ninku ku tilmaamay ”axmaqad”, waloow ay taasi khaldan tahay dad badan ayaa ku dooday inaysan dhamayn wax ay ku kala tagaan dad hadda uun is guursadey.

Kuwait waa dalka 2-aad ee ugu furriinka badan dunida Carabta, iyadoo 2017 tirakoob ay samaysay Wasaaradda Cadaaladda dalkaasi uu muujinayay in 60% guurarka dhacaa ay furriin ku dhamaadaan, waxaana loo aaneeyay dadka oo isu guursada dano dhaqaale si ay lacag badan uga helaan dowladda dalkaasi.


Hadalsame Media