DAAWO: Dhallinyaro shalay xus u dhigay dad ay sheegeen inuu laayay MW Somaliland oo xabsiga la dhigay!

0

(Boorama) 05 Feb 2019 – Maamulka Somaliland ee Muuse Buuxi ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah dhalinyaro reer Boorame ah oo shalay magaalada Boorama ku xusay dhacdado ay sheegeen inay magaaladaa ka dhacday 4/2/1991.

Dhacdadaa oo loo tirinayo ciidan ka tirsanaa jabhaddii SNM oo uu xilligaa hogaaminayey madaxweynaha hadda ee Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaaladaa ku laayay dad fara badan oo sida ay qaarkood ku doodayaan lagu diley dad ka badnaa kun qofood.

Dhallinyaradan oo ay qaarkood sheegeen in ay xubno eheladooda ihi ka mid ahaayeen dadkii halkaa lagu diley ayaa sheegay inay hadda kaddib 4-ta Febraayo xus u dhigi doonaan dadkaasi sida ay sheegeen.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in iyada oo aan xal loo helin wax ay ku tilmaameen ”xasuuq” dhacay, misna qaab qoor qabad ah dusha looga saaray qadiyadda Somaliland.

Ciidamada Booliiska Soomaalilaand ayaa laga warramayaa inay dhallinyaradan soo qabqabteen, iyadoo aan la caddaynin ama aan magac loo bixin nooca uu yahay dembiga lagu oogey.

Jabhadihii dalka qabsaday horraantii 90-meeyadii ayaa qas iyo qalaanqal ka daran midkii ay ku andacoonayeen inay ka dagaallamayeen ka ridey dalka Somalia guud ahaan.

Hadalsame Media