NAQDIN: Dul-duleellada dabagalka uu sameeyay baraamijka Baadi Goob (11 qodob oo dib loo qiimeeyay)

0

(Hadalsame) 03 Jan 2019 – Barnaamijka BAADI GOOB 3 ee uu soo Bandhigey wariye Cabdirisaaq Teera waa mid wax inooka bidhaamiyey xog dadka Soomaaliyeed ka daahsooneyd, laguna tilmaamaamey heshiisyo badan oo tuhun ku jiro ansaxooda iyo cidda ku macaashteyba.

Haddaba anigoo aan difaacayn cidda lagu xusey ama lagu eedeeyey barnaamijka, jecelna in sida ugu hufan loo soo bandhigo xogta rasmiga ah ee cidda dadkaan dulmigiisa ku midowdey, ayaan jecleystay inaan idinla wadaago meelaha uu barnaamijkani ka dhantaalan yahay kana dhigeysa mid aan isu dheelli tirneyn sidoo kale aan wadan xog ku filan.

Qodobaddaan hoose ayaan ku taxay meelaha aan ku qoonsaday barnaamijkaas iyo sababta uu iigula ekaaday mid dhinaca ka raran, xirfad dabagalna (Investigative skill) aan la waafajin sidoo kalena ka dhigi karta mid siyaasado gaar ahii riixayaan. Qodobadani waa kuwa ii gaara oo aanan cidna ugu garqaadeyn ee ay ila noqotay inaan ka falceliyo wixii caqligeygu qaadan waayey ee Barnaamijkaas intaan daawanayey.

1. Barnaamijku wuxuu ku koobanyahay 2013-2016 noomana sheegin weriyuhu sababta ku koobtay waqtigaas “Justification of the Scope”. Sidoo kale sababta looga doortay kuwii ka horeeyey iyo kuwii ka danbeeyeyba.

2. Barnaamijku inta uu socdo laguma wareysan hal qof oo ka markhaanti kaca, heshiisyada Cadeymahooda lasoo bandhigey xitaa hal qof oo shacabkii iyo shaqaalihii uu saameeyey ah.

3. Barnaamijka laguma Wareysan hal qof oo kamid ah madaxdii dawladdii Xassan Shiekh ee heshiisyada galay mana lagu caddeyn sabab ay dhammaantood ku suurta geli weydey in wax laga weydiiyo.

4. Barnaamijka laguma wareysan Madaxda sii joogta xafiisyadii lagu fulinayay ama shaqo wadaagta la ahaa heshiisyada lasoo bandhigey. Tusaale ahaan heshiisyada khuseeya: ciidamada badda, maaliyadda, madaxtooyada, ganacsiga, laanta socdaalka, kalluumeysiga IWM.

5. Inta barnaamijku socdo laguma wareysan xubnihii Barlamankii waqtigiisu dhamaaday iyo waxa ay kala socdeen heshiisyada la galay waqtigaas iyo sidey uga falceliyeen.

6. Barnaamijka laguma wareysan masuuliyiinta hadda xilalka ka heysa hey’adaha fulinaya ama uu saameynayo heshiisyada lagu soo bandhigey barnaamijka iyo sidey uga falceliyeen.

7. Barnaamijka laguma wareysan Barlamaanka jooga iyo waxa ay kala socdaan heshiisyada tuhunku ku jiro ee dawladdii hore gashay.

8. Barnaamijka laguma wareeysan qof garyaqaan ah(legal Specialist) oo toos u sharaxa qodobada heshiisyada ku qoran iyo saameynta xun ee ay yeelan karaan.

9. Waxaa barnaamijka lagu sheegay in kooxihii fududeeyey heshiisyadaas ama wax ka saxeexay ay qayb wadaag (Shareholders) ku ahaayeen lacagaha ay qaadanayaan shirkadaha la siiyey heshiiska, lagumana muujin wax caddeymo oo arrintaasi xoojinaya, waxaa sidoo kale kamid ah eedeymo dullaalis ah oo Xubnihii ka qeyb ahaa la magacaabay oo aan iyana wadan wax inoo xaqiijiya.

10. Wuxuu wariyuhu inoo sheegay inuu galay xarunta Xalane walibana Kaamiradiisa lagalay, haddana laguma soo bandhigin wax xog ah oo muujinaya waxa ka socda gudaha iyo mid muujinaysa inuu wariyuhu galey xarunta, marka laga reebo heshiiska shirkadda RA international lala galay oo isaguna ah mid banaankaba laga heli karo sida heshiisyada kale iyo muuqaal guud oo aan faahfaahsanayn.

11. Barnaamijka waxaa ku jirta qiimeyno miisanyadeed (Budget Estimations) oo uu wariyuhu si gaar ah u sameystay isagoo aan ilo gaar ah soo xigan. Tusaale ahaan:

~ Dakhliga soomaaliya kasoo gala dawladaha shisheeye oo uu ku qiyaasay 200 Million USD.
~ Khasnadda dawladda oo lagu sheegay iney ku jirtey 1 Million oo Doolar kaliya.
~ caddadka diyaaradaha isku weydaarta Garoonka Aadan Cadde oo uu ku sheegay 80 diyaaradood iyo faaidada shirkadda Sahal

~ Heshiiska shirkadda Rashinka ciidamada oo uu ku sheegey in shirkadda Horn Logistics loogu shubo Akoonkeeda $ 281,000 mana muuqato caddeynta lacagtaasi heshiiskana kama muuqato.

Sidoo kale si iska caadiya ayuu isu barbardhigey adeegga iyo lacagta ku baxda.

~ Heshiiska shirkadda Empire technical Solutions ee bixinta Visaha oo uu qalabkeeda iyo maamulkeeda ku qiimeeyey 20,000 USD isagoo aan meelna soo xigan.

12. Waxaa Barnaamijka ka dhex muuqda dokumiintiyo taariikhda uu wariyuhu sheegayo iyo tan ku qorani kala duwanyihiin oo xitaa waqtigii Xasan Shiikhba ka danbeeyey sida: Ruqsado adeegyo gaar ah oo la bixiyey 24 May 2017, iyo Ruqsad kale oo la bixiyey 11 Juun 2017.

13. Waxaa Barnaamijka lagu soo xirey in Xassan Shiekh uu musharax yahay doorashada soo socota 2021 taas oo aan lahayn wax caddeyn ah, ma garanyo wax wariyaha ku kallifey inuu inoo sheego arrintaas.

14. Barnaamijka laguma sheegin halka ay ku danbeeyeen dhammaan heshiisyadii la galay ee tuhunka laga muujiyey (iney joogsadeen, socdaan ama la cusboonaysiiyeyba) iyo waxa ay ka qabatay dawladda cusub ee labadii sano ee u danbaysay kursiga fadhidey.

Qodobadani waa fikirkeyga iyo taladeyda ku aaddan warbixinta iyo meelaha aan is iri waxay ka dhigi lahaayeen war bixin rasmiya oo taabbagal noqota laguna xisaabtamo. Waana sida looga bartay warbixinida dabagalka ah (investigative Documenteries) iney ahaadaan kuwaa isku barbardhigan iskuna jaango’an.

Ugu dameyn waxaan u rajeynayaa Wariye Cabdirisaaq Teera iyo kooxdiisu iney warbixinadoodu sidaan ka quruxbadnaadaan, dhexdhexaadsanaadaan sidoo kalena ka shiilnaadaan si aan sumcaddooda cid gaar ahi jeebka ugu ridan.

FG: Adiguna akhriste waad i sixi kartaa, waana soo dhoweynayaa fikradaada.

Waxaa Qoray: Cabdinuur Gees

Hadalsame Media