DAAWO: ”Ruushka & Shiinuhu waxay korontada & gaaska ka jari karaan Maraykanka!” – Dhab mise Aragti Dhagareed?

0

(New York City) 31 Jan 2019 – Rachel Maddow ma aha weriye ka gabata arrimaha la xiriira Ruushka, iyadoo inta badan ka hadasha dhagar ay la damacsan yihiin dalkeeda Maraykanka, balse markan waxay keentay fikrad waalli u eg markii xitaa cabbirkeeda la qaato.

Gabadhan oo ah barnaamij soo saare ka tirsan hilinka MSNBC isla markaana inta badan xiiseeysa mawaadiicda Ruushka la xiriira ayaa xaaladda cabsida leh ee jawiga Maraykanka u weecisey dhan kale iyadoo keentay su’aal ah “waxa dhici lahaa haddii uu Ruushku korontada ka jaro Maraykanka” iyadoo aan soo bandhigin wax ay aragtidaa ku taageeri karto oo moowduuci ah.

Mar ay eegaysay warbixin cusub oo ay soo diyaarisay Beesha Sirdoonka Maraykanka oo cinwaankeedu yahay ‘Qiimaynta Halista Caalamiga ah’ waxay gabadhan Rachel Maddow gaar u calaamaysay in Ruushka iyo Shiinuhu ay awood u leeyihiin inay Korontada iyo kululaysada (heaters) ka jaraan Maraykanka, iyo inay xitaa qalaanqal geliyaan tubbooyinka gaaska sida.

Yeelkeede, dadka aqoonta u leh Maddow oo lagu tilmaamo dadka faafiya ‘Aragti Dhagareedyada’ had iyo goorna sheegta in dalkeeda dhib lala maagan yahay, ayaa cusbo ku liqay warkeeda.

Dad kale ayaa baraha bulshada aad ugu dhaliiley inay xaaladda jawiga qaboow ee woqooyiga Maraykanka ay u adeegsato qaab ay ku faafiso ajende iyada u degsan oo cabsi gelin ah.


Hadalsame Media