Muqdisho oo ay markii ugu horreeysey ku qabsoomayso ciyaar CAALAMI ah kaddib burburkii (Arag goorta & goobta)

0

(Muqdisho) 28 Jan 2019 – Sida uu xaqiijiyey Xiriirka Kubadda Cagta Eriteriya, waxaa dhici doona kulan saaxiibtinnimo oo dhexmaraya dalkaasi iyo Soomaaliya.

Xiriirka ENFF ee dalka Eritrea oo sida muuqata ka jawaabaya codsi uu 22-kii bishii Diseembar u diray dhiggiisa Somalia ee SFF, ayaa ajiibey casuumaddaasi.

Kulamada saaxiibtinnimo ee dhexmaraya Somalia iyo Eritrea, wax noqonaya ciyaartii ugu horreeysey ee caalami ah ee lagu ciyaaro gudaha Somalia, ayaa Muqdisho lagu dheelayaa 14 ilaa 17 bisha soo aaddan ee Febraayo 2019.

 

Hadalsame Media