Ciidanka Danab ee dowladda Soomaaliya oo Howlgal ka fuliyay deegaanka Bariire (Faahfaahin)

0

(Bariire) 26 Jan 2019 – Wararka laga helayo deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga Soomaaliya ee Danab ay Howlgal ay fuliyeen deegaankaasi halkaasi oo la sheegay in lagu burburiyay xarun maxkamad Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose.

Howlgalkan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-shabaab iyo askartoodii.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee la hadlay warbaahinta dowadda ayaa sheegay in howlgalkaasi qorsheysan ay ku burburiyeen Saldhigyo iyo maxkamad ay la heed al shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in goobaha la bartilmaameedsaday dadka shacabka ah lagu dhibaateyn jiray iyagoona sheegay in halkaasi lagu dilay xubno gaarayay 40 qof oo ka tirsanaa sida la sheegay Al-Shabaab.

Waxaa ka mid ah dadka la sheegay in howlgalkan lagu dilay qaadigii Maxkamada Al-shabaab u qaabilsanaa Bariire kaasi oo magaciisa lagu sheegay Macalin Maxamuud faarax Abuu xuseen.

Hadalsame Media