FAALLO: Maxay Soomaalidu u MIDOOBI la’dahay?

0

(Hadalsame) 24 Jan 2019 – Umad isku af ah, diin qura wada sheegata, dhaqankana isaga eg, haddana aan hashiis aheyn. Sow la yaab ma ahan, soow wax u baahan in laga fakiro ma ahan, waxa sababay in la turxaan bixiyo, sow ma habboona. Bulashada in lagu baraarujiyo wax mudan, miyeysan aheyn?

Diin ahaan, muslimiin baan wada nahay, laakin tiro male inta kooxood ee loo kala tagay. Mid welibana wuxuu gaar isula taagay wixii isaga la gudboon. Rajadii lagu midoobi lahaana, ceel dheer bay ku shalwatay.

Haddii qabiilka ahaa waxa aan Soomaalida laga soo marin, isagiina waa lagu hashiin waayay. Iska daa labo beel kala meel dege e’, waxaa is dilaya jufooyinkii hoose ee jiiraanka ahaa.

Siyaasadda, nin kastoo habel la yiri siyaasi buu noqday, sidaa ay tahay, haddana waxaa la waayay siyaasiyiin mideysan oo mabda’a leh, hal meelna u wada socda.

Inkastoo, khilaafku yahay Sunno Ilaahey, haddana waxaa jira dadyowga caalamka, waxyaabo ay ka mideysanyihiin. Tusaale; waxay ka mideysanyihiin inay nabadgalyada ka shaqeeyaan,  nadaafadda inay ku dadaalaan, caafimaad inay wada helaan, afka iyo dhaqankoodana inay xajistaan IWM.

Soomaalida, xittaa asaasiyaadkaas aan kor kusoo xusay, xaqiiqdi kuma wada mideysna; oo waa la wada dayacay, maxaa iga galay, ayuu nin weliba ku gaabsaday. Waxaan isaga dan ugu jirin, uma arko in lagu daalo. Wax kaleba yeelkeede, qashinka in leys ka qaado ayaa lagu kala qeybsamay.

Haddaba sarta xagey ka qurunsantahay? Maxay soomaalida u midoobi la’dahay?. Iyadoo arrintan, sidii Gabal-dayihii hadba gees iila janjeerto, ayaan mardanbe sidaan ku baraarugay. Xaajoba la yaab lehe, bal aan qodo xabaalaha.

  1. WAXAY U MIDOOBI LA’DAHAY CARRO ILAAHEY

Wuxuu Ilaahey Qur’aanka noogu caddeeyay, in ummad kasta oo nimcadiisa ka kufrisa, in carro iyo cadaab la kulmi doonto, haddii aysan ka towbad keenin. Waxaana ka mid ah meelaha carradaas nooga timid:-

DULMIGA OO LA ISKU GARAB SIIYO

Nabiga NNKH wuxuu xadiis saxiix ku yiri ” u gargaar walaalkaaga  daalimka ah iyo midka la dulmiyay”. Saxaabada ayaa Nabiga weydiiyay ” Nabi Allow, nin dulman garanaye, kan wax dulminaya sidee loogu gargaaraa”. Wuxuu Nabiga NNKH ugu jawabaay ” gargaarkiisu waa inaad dulmiga ka reebtid”.

Badanaa, inta xadiiskaas maqashay, asii aan ku camal falin. Soomaalida, inyar mooyee, iska daa midka dulman in la gargaaree, waxaaba dulmiga lagu caawiyaa midka gabood-fallada geysanaya. Kan wax dulminaya, godobtiisu waa gardarro garab og, oo wuxuu aaminsanyahay  inay jiraan dad beeshiisa ka mid ah oo ku garab siinaya.

Qaarkood , waxay xoog iyo xoolo ku bixiyaan, inay soo furtaan daalimiin ay isku heyb yihiin oo xabsiyada ku jira kuwaasoo, dhac, dil, iyo kufsi u geystay ummad masaakiin ah. 

Yeelkeede, Haddii aad wax ka sheegtid mid daalim ah, waxaad la kulmeysaa, aflagaado iyo xadgudub kaaga imaanaya dad ka mid daalimka uu beeshaas ka dhashay, haddii kalena waxaaba dhacda, in laguu dilo! Sow uma eka in garadarrada malab loogu daadshay.

Kama ahan difaacaas, in shaqsigaas, deegaanka iyo degsiimada beesha waxtaray. Kama ahan difaacaas, in laga hawo-qabo inuu mustaqbalka, beesha baraare gaarsiiyo, laakin keliya,fiqi tolkii kama janno tage e’, waxa dartiisa loogu duulaan galayo ayaa ah, inuu sito magaca beesha, wax kalena yeelkeeda.

Lama hayo, beel intay si gaar u istaagtay tiri ” Habel oo beesheenna ku abtirsada waa daalim ee caddaalada hala horkeeno, amaba halaga ilaaliyo mas’uuliyadda beesha ama dalka”. Taas kasoo horjeedkeed, waxaa lagu abaalmariyaa xilalka ugu sarreeya dalka iyo dadka. Xaqii afka laga dabooshay oofuhu sow ma dilaacin?

Sow ma aha, in dulmigii la isku garab siiyay?. Xadiiski nabiga, sow lagama beerin?. Sidee xal iyo midnimo ku imaan karaan, inta daalimka lagu garabsiinayo gardarrada. Inta daalimka xabsiga laga deynayo xilalna lagu abaalmarinayo, bedelkii caddaalada la horkeeni lahaa. Gardarro garab og iyo gaajo gun og, midna lagama baxo.

Waxaana halkaas ka dhashay carro Ilaahey, oo illaa iyo hadda aysan cidi si toos uga towbad keenin.

La soco qeybta labaad….

Waxaa Qoray:  Cabdinaasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Hadalsame Media