Wajiga koowaad ee dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed oo la soo gabogabeeyay+SAWIRRO

0

(Baydhabo) 23 Jan 2019 – Munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay wejigii koowaad ee dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo taageeridda maamulka cusub ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan,C/weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweyne Laftagareen,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya  iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

XIldhibaan,wasiiro iyo odayaasha dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodi muujiyay in ahmiyad ay leedahay midnimada shacabka Koonfur Galbeed,Ugu horeyn  Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(LaftaGareen) ayaa sheegay in qof walba oo ah oo reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in horumarka iyo maamul wanaaga koonfur Galbeed ay ku xirantahay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka koonfur Galbeed,wuxuuna ku booriyay maamulka iyo bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay wadashaqeeyaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay dadaalada dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed,wuxuu guddoomiye Mursal uu sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka si looga gudbo dhibaato kasta horumarna loo gaaro.

Hadalsame Media