TALO & TUSAALE: Warqad furan oo ku socota Madaxwaynaha cusub ee Puntland

0

(Garoowe) 22 Jan 2019 – Warqaddan furani kama iman shisheeye, dawlad diid, mucaarad, siyaasi iyo qof dano gaar ah leh, waxayse ka timid NASRO CABDIRISAAQ AXMED, muwaadin Soomaaliyeed, reer Puntland ah, ku dhalatay, ku barbaartay, wax ku baratay, deggan oo ka shaqaysata, intii Puntland ay dhisnaydna aan meel uga bixin, waxa aan ka mid ahay dadka aad masuulka ka tahay.

Waxa aan aaminsahay inaan dareenkayga iyo kan shacabkaba kula wadaagi karo. Ku hadli mayo, Af Qabiil, Qolo ama Koox gaar ah, balse waxa aan xambaarsanahay farriin ka timi bulsho kala duwan oo ku nool deegaannadan Puntland kuwaasi oo aan awoodin inay kula hadlaan, Warqaddan furan magaceeda waxaa la yiraahdaa “Waxa aan kula hadlayaa aniga oo ah”.

Mudanne madaxweyne waxa aan kula hadlayaa adiga oo ah madaxweynihii ay doorteen xubnaha baarlamaanka Puntland ee ka dhex yimid shacabka aan ka mid ahay.

Mudane Madaxweyne, Ma sahlana in masuuliyaddooda la qaado malaayin qof, waxa aan alle SWT kaaga baryayaa in alle kuu fududeeyo masuuliyaddaas adiga iyo inta kula shaqayn doontaba, waxa aanse mar walba ku xasuusinayaa in xilku yahay wax culus lugugulana xisaabtami doonto maalin aakhiro.

Mudane Madaxweyne ma awoodo inaan si khaas/shakhsi ah kugusoo gaarsiiyo warqaddan, waxa aan door biday inay noqoto warqad furan, waxaan rajaynayaa in ay si uun kugu soo gaari doonto, aadna u akhriyi doontid si taxaddar leh, u heli doontid xogta ay xambaarsantahay sida saxda, tixgelinna siin doontid baahiyaha ku qoran insha allah.

Madaxweyne waxa aan kula hadlaya aniga oo ah Muwaadin u baahan amni buuxa, Aqoonyahan shaqa la’aani hayso, Dhibbane caafimaad, Danyar awood daran, Waalidaan awoodin waxbaridda ilmihiisa, Askeri u taagan sugidda amniga aanse helin daryeel, Muwaadin uu saameyey sicir bararka iyo nolosha qaalliga ah, Dulmane caddaalad doon ah, Canshuur bixiye aan beddelkeeda helin, Dhibbane musuq maasuq, Suxufi la kulma caburin iyo cagajugleyn shaqadiisa darteed iyo aniga oo ah muwaadin doonaya xoriyatul qowlka dastuurku siiyey.

Mudane Madaxweyne, waxa aan ahay muwaadin reer Puntland ah, waxaan usoo joogay xilliyo kala duwan oo Puntland soo martay, waxa aan goob jog u ahaa xaalado badan oo lasoo maray, wallow xilliyada qaybtood aanan lahayn garaadka aan manta leeyahay, waxa aan dareemayaa in nolosha dadka reer Puntland ee xilligan ay leedahay tabashooyin, haddii ay noqoto dhinac ammaan, waxbarasho, Caafimaad, shaqo, wax soosaar, ganacsi iyo arrimo bulsho.

Mudane Madaxweyne, Nabadgelyadu waa waxa Puntland kusoo baraadhay halkaasna lagu soo gaartay, waxaan ku seexanaa, ku toosnaa, kuna shaqaysanaa nabad, muddooyinkii ugu dambeeyeyse sida qof walbaaba ogyahay waxaa dhacayey falal la xiriira ammaan darro, kuwaasi oo dad aan waxba galabsan lagu laayey, lagu dhaawacay, looguna hanjabay, qaybo ka mida dhulka Puntland waxaa ka jira xaalado amaan oo aan si buuxda laysugu hallayn Karin.

Arrimahaasina waa kuwo aad u damqaya shacabta Puntland ee nabad gelyada kusoo caana maalay. Madaxweyne waxaan codsanaynaa in xaaladahaas amaan wax laga qabto, dawladdaaduna muhiimadda kowaad iyo labaadba siiso sidii loo sugi lahaa amaanka guud ahaan bulshada reer Puntland, si loogu noolaado nabad iyo cabsi la’aan.

Mudane madaxweyne, Ciidanku waa tiir dhexaadka sugidda amniga, waxa kuleylka qorraxda iyo qabowga habeenimaba u joogaan sidii dadku ugu seexan lahaayeen, ugu soo toosi lahaayeen, uguna noolaan lahaayeen alle idankiis nabad. Boqollaal ka mid ah ciidanka Puntland waxa ay naftooda ku waayeen difaaca Puntland iyo suggidda amaanka dhulkan, iyada oo ay sidaas tahay ma helin daryeel buuxa, mushahar ku filan, dhiirri geli, daryeel qoys iyo gunnooyinka ay xaqa u leeyihiin lamana siin ahmiyadda ay u leeyihiin dhulka Puntland.

Mudane madaxweyne ciidanka oo si sax ah loo siiyo xaqooda, la daryeelo iyaga iyo qoysaskooda, lagu tixgeliyo shaqada ay u hayaan dalka, waxa ay horseedaysaa in ay u shaqeeyaan sida saxda ah. Haddaba waxa aan kaa codsanaynaa Madaxweyne in ciidanka ahmiyad la siiyo, xaqooda helaan si ay u gutaan waajibaadka saran.

Mudane madaxweyne, In la helo daryeel caafimaad waa aas aaska nolosha, wax la qabtona waxaa ugu mudan in la badbaadiyo naf haddii alle badbaado u qoray, dad badan ayaa waxa ay u dhinteen dhiig bax, daryeel xumo caafimaad, ma helaan gargaar degdeg ah oo buuxa, kii dadkiisu u awoodaan waxaa loola cararaa magaalooyinka kale ee Soomaaliya, kii ay naftu ku sinto inuu gaaro xarun caafimaad waa alle mahaddii, kii kalese waxaa uu ku qur baxaa inta uu gaariga ama diyaaradda sii saaranyahay, waxaa jira goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay laakiin dadka danyarta ah ee reer Puntland ma awoodaan inay iska bixiyaan kharashaadka badan ee goobahaas.

20 sano kadib Waa nasiib xumo weyn in Puntland aanay lahayn goob caafimaad oo dawli ah oo ay u dhamaystiranyihiin dhamaan adeegyada caafimaadku. Mudane waxaan codsanaynaa in dawladdu ku dedaasho bixinta adeeg caafimaad oo buuxa, jaban la awoodo, bilaashna u ah dadka danyarta ah, si aan qof dambe ugu dhiman isaga oo loo waayay dhiig joojin ama Ogsijiin la’aan.

Mudane madaxweyne, Waxa aad ka mid tahay aas-aasayaasha waxbashada Puntland, aqoon iyo khibrad badan ayaadna uleedahay muhiimadda aqoonta, waxbarashada waa waddada lagaga bixi karo karo jahliga, waa iftiinka waddo kasta oo madow, Bulshada reer Puntland inbadan oo ka mid ahi waa danyar aan awoodin inay ilmohooda u helaan waxbarasho bilaash ah, qaybo ka mida oo awooda waxaa aad qaalli ugu noqday kharashaadkii, taasi oo sababtay in ilmaha qaybi waxbarato qaybina guryaha joogaan.

Sannadadii lasoo dhaafay iska daa in dawladu kabto ardayda ee waxaa ardayda la dulsaaray lacago aanay awoodin waalidku. Mudane madaxweyne waxa aan kaa codsanaynaa iyada oo dawladdu doorkeeda qaadanayso in la helo waxbarasho lacag la’aan ah ilaa dusgiga dhexe, haddii aan la awoodiinna laga dhigo mid qof walba oo muwaadin ahi iska bixin karo si ilmo kasta oo reer Puntland ahi u helo waxbarasho.

Mudane madaxweyne, jaamacadaha dalka iyo kuwo dibaddaba waxaa sannad walba kasoo qalin jebiya arday badan, waxaa galay wakhti iyo kharash laga yaabo inay dhididey hooyo danyar ah oo mudo dheer qorrax u fadhiday sidii ay meel u gaarsiin lahayd ubadkeeda, aqoonyahankaasi waxay ka welwelaan marka ay dhameeyaan jaamacadaha wixii ay qaban lahaayeen, meshi ay wax ka bilaabi lahaayeen iyo cidii u hirgelin lahayd haddiiba ay keenaan fikiro shaqo abuur.

Waxaa badatay shaqa la’aanta dhalinyarada, waxayna dhaxalsiisay ugu dambayn inay ka haajiraan wadanka oo ay maraan waddo khatar leh oo qodxa badan ama ha gaaro halkuu rabay ama bad iyo saxare cidlo ah ha ku dhintee, waxay dhaxlsiisay in qofku barto balwad asaaggiis ka reebta uuna nolosha oo dhanba ka dhaco.

Haddaba madaxweyne dhalinyarada reer Puntland waxay u baahnyihiin shaqo, keliya shaqadu ma ahan in xafiis la fariisto oo dawladda ama ha’ayd loo shaqeeyo, laakiin waxaa loo baahanyahay shaqo abuur, haddii ay noqon lahayd in waddanka la maalgeliyo, ganacsiga kor loo qaado oo addunka lagu xirmo, lala jaanqaadayo fursahada tiknoolajiyayeed, warshado la sameeyo, kalluumaysiga la dhiirri geliyo, wax soo saarka beeraha xoogga la saaro ama lagana faa’iidaysto wax soosaarka xoolaheenna.

Mudane madaxweyne, waxaa jira danyar, curyaanno, indhoolayaal, darbi jiifyo iyo agoomo waxaa jira guryo aan dab laga shidan, adiga ayaa masuul ka tahay alle hortiis, waa dadkii aad u dhaaratay.

Waxa aan codsanaynnaa in dawladda aad hoggaaminaysaa Madaxweyne, qorshe cad ka yeelato xakamaynta aafada sicir bararka sababay in wax walba oo la quudan lahaa ama la qaadan lahaaba qaaliyoobaan, in la xakameeyo sarifka lagaha qalaad lana jaan gooyo, Mudane waxaan kaa codsanaynaa in sarifka shilin soomaaliga meel lagu jaan gooyo aan la dhaafin ciddii jebisa sharciga la marsiiyo, lagana hortago wax walba oo sababi kara in sicir barar dhoco oo ay ka mid tahay in la sameeyo lacag xad dhaafa oo aan loo baahnayn sharcina ahayn.

Mudane madaxweyne, Qof walba oomuwaadin ah awoodna u lihi wuxuu jeclaan lahaa inuu yeesho hanti uu ku noolaado, dhisto guri uu dego, ama kiraysto hoy uu awoodo inuu iska bixiyo kiradiisa. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan caasumadda Garoowe waxay ka mid tahay meelaha aan la goyn Karin dhulkeeda, guryeheeda iyo kiradeeda, mar marka qaar isku qabsiga dhulka waxaa ka dhasha dhibaatooyin dhimasho sabab.

Haddaba muwaadinka u baahda bogcad waxa khasab ah inuu dhowr sano u shaqaysto oo waxayba mar mar ka qaalisantahay lacagta lagu dhisi lahaa guri, haddiiba uu helo bogcad dhibkasta ha u maree waxaa uu u baahanayay inuu sanno badan oo kale uu ushaqeeyo sidii uu hoy u dhisi lahaa isaga oo aan ogaynba shaqada uu hayaa in ay ku simayso waqtigaas iyo inkale, dawladdu waa tan keliya ee siyaasado ka samayn arrintan fulinna karta, waxaan codsanaynaa in sharciyo iyo siyaasado lagu xakameeyo laga soo saaro dhulka bannaan, guryaha la kiraysto iyo guryaha la iibsadaba, iyada oo loo kala saarayo heeran, ayna noqdaan mid la awoodi karo.

Mudane madaxweyne, Caddaaladdu waa tiir dhexaadka dawladnimada, waa qodob muhiim u ah hoggamiye wanaagsan. Dastuurka dawladda Puntland waxaa uu si cad u qeexayaa oo dammaanad qaadayaa in qof walba oo muwaadini helo caddaalad.

Waxaa jira dad badan oo dhibbane u noqda caddaalad darro xilliyada maxkamadaha, xabsiyada iyo xilliyada loosoo qabanayo, dad lasoo soo xiro isaga oo loo sheego inuu u xiranyahay shaqsi awood leh lana sii daayo isaga oo aan ogayn sababta lagu xiray ama lagu sii daayay, waxaa jira dad aan awoodin inay helaan qareen iyada oo sababtu tahay awood dhaqaale oo aan jirin ama aan faham xumo.

Waxaa jira dad lasoo qabto iyada oo aan maxkamadi eedayn, waxaa jira dad loosoo qabto si aan waafaqsanayn sharciga, waxaa dhacda in qof xabsi ku jiro isaga oo aan helin xukun, marna difaaci mayo dambiile fal dambiyeed gacanta kula jira ama maxkamadi ku caddaysay, laakiin in muwaadinku dhibbane u noqdo caddaaladda waa mid aan ku habboonayn nidaamka dawladnimo.

Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in qof walba oo muwaadin ahi helo caddaaladdii uu u baahnaa, waxaan codsanaynnaa in laamaha garsoorku ka madax bannaanaadaan fara gelin walba oo aan sharci ahayn, si ay shaqadooda sida saxda ah ugu gutaan, dadkuna caddaalad u helaan.

Mudane Madaxweyne, Musuq maasuqu waa mid ka mida caqabadaha waaweyn ee dadka reer Puntland haysta, Musuqu waxa uu galay qayb walba oo ka mida dawladda iyo bulshadaba, musuqa waxaa ku xirmay inta badan dan walba oo qofku leeyahay, dhinaca shaqooyinka, waxbarashada, canshuuraha, laamaha ammaanka, qandaraasyada, waaxyaha dawaldda iyo laamaha caddaaladdaba.

Waxa aan kaa codsanayaa Madaxweyne in aad qaaddo tallabo walba oo lagu joojin karo musuqa, waxa aan codsanayaa in qof walba oo lagu helo musuq lagu ciqaabo, qof walba oo lagu tuhmana tallaabo laga qaado ilaa inta ay ku caddaanayso ama wax lagu waayayo. Musuqa oo la joojiyo waa horumarka iyo guusha dawladda iyo dadka reer Puntland.

Mudane madaxweyne, Saxaafaddu waa awood jirta waana udub dhexaadka bulsho walba, waa u qareemayaal, waa ilaaliyayaal, waa la xisaabtamayaal, waa soo bandhigayaal xaqiiqooyinka jira ee bulshadu u baahanyihiin inay ogaadaan, waa dhise sida saxda u hagta dawladnimada iyo horumarka.

Dastuurka dawladda Puntland ayaa caddaynaya xorriyadda saxaafadda, waxaana si goonni ah usii qeexaya xeerka warbaahinta Puntland ee baarlamaanku ansixiyay, Saxaafaddu iyada oo dhowraysa shuruucda, anshaxa, xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah iyo tan maxaliga ah ee u taal, waxa ay kor u qaaddaa xorriyadda hadalka. Mudane madaxweyne waxa aan kaa codsanayaa in dawladdaadu kor u qaado xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida saxaafadda, si saxaafaddu uga madax bannaanaato cabsi, xarig, dil iyo handadaad.

Haddii la helo saxaafad ka madax bannan caburin, waxaa in aan qofna lagu colaadin, lagu xirin, lagu dilin, loogu caga-jugley fikirkiisa haddii aanu ka hor imaanayn dastuurka dalka u yaal., waxaa fududaanaysa isla xisaabtan iyo daah-furnnaan, dadweynaha Puntland waxa ay ogaanayaan waxlba oo sharcigu oggolyahay oo dhulkooda ka dhacaya.

UGU DAMBAYN, Mudane Madaxweyne, waxaan ahay canshuur bixye, waxaa la canshuuraa dhulkayga, gurigayga, gaarigayga, goobtayda ganacsi iyo mushaharkayga mana helo beddelkeeda, waxaan ahay hooyo agoon korsata, qabowga iyo qoraxda Ayaan la fariistaa caano yar, hilib yar, khudaar yar, macmacaan iyo wax walba oo aan isleeyahay waxa aad ka heli kartaa qutulyowmka ilmaha, waxaa layga qaadaa canshuur aanan awoodin.

Ma helo beddelkeedi oo ah inaan helo gabbaad aan ka harsado milicda qorraxda iyo qabowga, xilliyada roobka waxaa meel walba fariista biyo wasaqaysan oo sababa nadaafad xumo, bilic darro iyo xanuunno ay duumada iyo daacuunku ka mid yihiin, ma helo kabitaan oo waxaa aan bil walba bixiyaa koronto iyo biyo qaali ah, waxa aan baahi weyn u qabnaa damis oo waxaynu ognahay in dad badani u dhinteen sababo dab kacay hanti badanina ku burburtay.

Haddaba Mudane madaxweyne waxa aan ahay muwaadin u baahan inuu helo beddelka canshuurta uu bixiyo, waxaan codsanaynaa in dawladdu masuuliyad iska saarto in si saxan loo maamulo canshuurta dadka laga qaado looguna qabto wax la taaban karo.

TALO: Mudane Madaxweyne, waxaan rajaynaa inaad dhugmo u yeelan doonto farriinta warqaddan ku qoran. Si caqabadaha aan soo xusay looga gudbona, waxaan talo kugu siinaynaa inaad usoo xusho xubno wasiirro ah, oo tayo leh, daacad ah, xaaladaha dalka wax badan ka og, ka saari kara dhibaatooyinka shacabka haysta, u shaqeeya dadka iyo dalka ee aan ka shaqaysan, uguna adeega shacabka dar alle, daacadnimo, dawlad wanaag, musuq maasuqna ka fiyow, leh astaamo hoggaamiye wanaagsan, diyaarna u ah in lala xisaabtamo.

AFEEF: Waa markii iigu horaysay ee aan warqad furan isku dayo qorideeda, Haddaba Akhriste waxaa aan marti kaaga ahay wixii talo ah, sixitaan ah ama tusaalayn ah oo aad isiinaysid, waxa aan kaa codsanayaa inaad ii reebtid farriin. Fikirkaagu waa ii Muhiim.

___________________________________________________

Qalinkii: Nasro Cabdirisaaq Axmed

Hadalsame Media