”Markii aan DHAQAY gacmaha HOOYADEEY waan ilmeeyay!!

0

(Hadalsame) 22 Jan 2019 – Waxa uu ahaa Wiil dhalin yaro ah oo wax barashada heer wanaagsan ka gaaray,shaqo heer maamul ahayuu u tartamay.

Waxa uu ka soo gudbay wareeysiga koowaad ee laga qaado qofka shaqa doonka ah, markii la gaaray waqtigii la’qaadan lahaa go’aanka ah in la’shaqaaleeysiiyo ayaa maamulhii shirkadda waxa uu dib u eegay Cv-ga (sooyaalka nolosha).

Wiilkaasi wax barashadiisa ay cajabisay, aad ayuu uga helay darajooyinka wax barasho ee uu wato ee uu kaga soo qalin jabiyay dhammaan heerarkiisa wax barasho. Waxaa la yaab ku noqtay in marna aysan ku jrin maado’darajadeea ay hooseeyso …!!!

Maamulihii waxa uu codsaday in loogu yeero wilkaasi shaqa doonka ah ee ,waxaana dhex martay sheeko ku billaabatay weeydiintan:

Maamule: Walaal,deeq wax barasho oo dibadda ah miyaad heshay inta aad daraasadda ku jirtay …?

Shaqa doon: Wiilkii ayaa ku jawaabay maya,waligeey ma anaan helin deeq wax barasho…!!!

Maamule: Maamulhii ayaa ku celiyay su’aal kale oo ahayd aabahaa miyaa hantiile ahaa oo kaa bixin jiray dhammaan dhaqaalaha aad wax ku baratay …?

Shaqa doon: Wiilkii ayaa ku jawaabay maya,oo aabahay waxa uu geeriyooday anigoo hal sano jir ah.cidda ku dadaashayna ay tahay hooyadii oo kafaalla qaadday wax barashadiisa.

Maamule: Maamulihii ayaa weydiiyay hooyadaa maxay ka shaqeysaa …?

Shaqa doon: Wiilkii ayaa sheegay in hooyadii ay ugu soo xammaali jirtay dharka oo ay dadka u dhaqdo.

Markii halkaas ay amreeyso ayuu maamulihii shirkadda waxa uu ka dalbaday wiilkii dhalinyaradda ahaa in gacmihiisa uu tusiyo,saa waa bulcad aad u jil jilcan oo waligood qabow mooyee kuleel aan loo dhoweeyn.

Maamulihii ayaa ku yiri wiilkii waligaa hooyo maka caawisay dhar dhaqista ..? waxa uu ku jawaabay Maya,waxa uu intaa raaciyay waxa ay ku dadaali jirtay in aan casharada xifdiyo oo aan si wanaagsan u muraajeceeyo,si dhibco fiican aan wax barashada uga keeno waana ku guuleeystay ayuu sii raaciyay.

Maamulihii ayaa yiri codsi yar ayaan wataa dib ugu laabo hooyo oo ka dhaq gacmaha , ka dibna dib iigu soo laabo maalinta birrito ah.

Wiilkii waxa uu dareemay in fursaddii shaqo uu ku riyoonayay hadda gacanta ku hayo,guriga ayuudib ugu laabtay,hooyadii ayuuna ka dalbaday in labada gacmood uu ka meyro,waxa ay dareentay niyad samida wiilkeeda iyo guusha uu gaarayo.

Hooyadii ayaa dhanka kale layaab waxaa ku noqday in wiilkeeda markii ugu horeeysay maanta labadeeda gacmood uu ka meyrayo…!!!

Wiilkii ayaa billaabay in uu meydho gacmaha hooyadiis isaga oo ilmeeynaya aadna ula yaabban muuqaalka gacmaheeda..dil dillaaca ka muuqda iyo karka saaran ma ahan kuwo indhaha loo dhammeeyn karo….!!!

Waa labadii gacmood ee sida maalin laha ah ugu kallihi jireen dhar dhaqista dhaqaalaha laga soo uruuriyana uu wax ku bartay.

Dillaac iyo kar walba oo saran waxa ay u taagan yihiin xarafaha wax barasho ee miraheeda maanta uu ku han weyn yahay in uu gurto ,kuwaa oo tilmaam ka bixinaya mustaqbalka ifaya ee wax barashada wiilkeeda oo ay isku illowsiin jirtay diifta ka muuqata. ”Allow Hooyo daa!”

Markii uu dhammeeyay dhaqista gacmaha hooyadii ayuu u istaagay in uu dhammeystiro afar shay oo ka hartay dhar ay dul fadhiday.

habeenkaasi wiilka iyo hooyadii waxaa waagga ugu baryay sheekooyin mahadho leh oo ay ka qarin jirtay si uusan uga niyad jabin wax barashada iyo mustaqbalka uu hiigsanayo.

Markii waaga uu baryay ayuu wilkii ku laabtay Xafiiska Maamulka shirkadda uu shaqada ka raadsanayay isaga oo ilmeynaya, maamulihii ayaa ka codsaday in uu u sharaxo wixii uu kala soo kulmay Hooyo.

Waxa uu ku jawaabay in uu hooyo gacmaha ka meeyray, dhar haray oo ay dul fadhisayna uu isaga gacmihiisa ku dhaqay, maamulihii ayaa weydiiyay dareenkiisa.

Waxa uu wiilkii ku jawaabay in uu dareemay waxa la’yiraahdo Naxariis iyo wanaajin, isaga oo intaa ku daray in haddii hooyadii aysan dadaalkaasi naf hurnimmada ah u sameyn lahayn uusan heer sare wax barashada ka gaari lahayn.

Waxa uu sidoo kale intaa ku daray in uu dareemay dhibta faraha badan ee hooyadii ka soo martay mustaqbalka uu martida u yahay.

Maamulihii ayaa ugu jawaabay haddaba Maamulha aan baadi goobeeyno waa adiga oo kale, ku soo dhowoow gacmo furan iyo Mustaqbal wanaagsan.

Muddo Kooban ka dib wiilkii waxa uu ka mid noqday maamulayaasha loogu jecel yahay Shirkadda uu ka shaqeynayay,sidaasi ayayna shirkaddii ku guuleeysatay .

Caruurta kool koolinta lagu koriyo ee aan nolosha waaya aragnimo laga siin ,waxa ay noqdaan kuwo ka indha la’ xaaladda nololeed ee waalidkood ku sugan yahay ,sidaasi ayayna ugu dhacaan mustaqbal aysan waayo aragnimo ka haysan.

NOQO MID LA SOCDA XAALAD WALBA OO HOOYO KU SUGAN TAHAY!

Waxaa Diyaariyay: Aways Xasan Maxamed

Hadalsame Media