DAAWO: Ronaldo oo hal shuruud ogolaaday si uu XABSI uga badbaado + Sawirro (Codsi laga diidey!)

0

(Madrid) 22 Jan 2019 – Jookarka reer Portuguese ee Cristiano Ronaldo ayaa aqbalay ganaax €18.8 milyan oo euro, si uu uga fursado 23-bilood oo xabsi ak kaddib markii ay ku caddaatay inuu canshuur kala baxsaday nidaamka Spain. Ganaaxan ayaan la xiriira waayihiisii Real Madrid.

Garab-weerar Juventus ee Ronaldo ayaa yimid maxkamadda Madrid isagoo gacanta haysta gacalisadiisa Georgina Rodriguez isagoo xirna dhar wada madoow ah, wuxuuna u gacan haadinayay saxaafadda.

Yeelkeede, xaakimka maxkamadda ayaa ka diidey codsi ahaa in loo ogolaado inuu gaari ku yimaado dhismaha maxkamadda si uu uga boodo qolooyinka sawirrada ugaarsada ee paparazzi-ga, taasoo keentay gacmo haadin qaaf ah iyo saxiixyo uu sameeyay 31-jirkan, goortii uu maxkamadda sii gelayay.

Ronaldo ayaa kaddib kulankii ay Juventus 3-0 dirtay kooxda Chievo dhanka Serie A oo uu rigoore cunay u safray caasimadda reer Spain, si uu uga garboxo Wakaaladda Maaraynta Dakhliyada Spain.

Maadaama aan dembiga Ronie aysan ku jirin wax gacan ka hadal ah, isla markaana ay tahay markii ugu horreeysey ee uu noociisa galo, wuxuu sharciga dalkaasi u ogolaanayaa inuu iibsan karo, taasoo ka dhigan in aanu xabsi dhex seexanaynin wiilka 5-ta jeer hantay billadda Ballon d’Or.


Hadalsame Media