AC Milan oo la heshiisey Krzysztof Piątek iyo Steven Bergwijn oo ay qarka u saaran tahay

0

(Milano) 22 Jan 2019 – Sida uu xaqiijinayo MilanNews.it, Piatek waxaa la dhameeyay heshiis uu AC Milan ku imanayo laacibka Krzysztof Piątek oo heshiis 4 sanadood iyo bar ah ku imanaya kooxdaasi, isagoo fasalkii qaadan doona 1.8 ilaa 2 milyan oo euro oo saafi ah.

Waxaa Casa Milan fadhiyey maamulka Milan iyo dhiggooda waxaana iminka la is dhaafsanayaa dokumentiyada, iyadoo ay  Rossoneri laacibka ku qaadanayso 35 milyan oo euro oo kaash ah, waxaana sidaa meesha uga baxay wax laacib ah oo dhanka Milan ka imanaya oo heshiiskan qayb ka ah, sida uu sheegayo gianlucadimarzio.com.

Wuxuu Twitter kusoo qoray Gianluca Di Marzio sidatan: “Piatek wuxuu aadayaa Milan: Waxaa la is dhaafsanayaa waraaqaha heshiiska, waana 35 milyan oo hal gacan ah iyo €2-3m oo bareemiyo bandhigga la xiriirta ah, wax laacib ihina kuma jiraan oo aadaya dhanka Genoa”.

Laacibkan oo kaalinta 2-aad uga jira gool dhalinta horyaalka Talyaaniga oo uu 13 gool ka dhaliyey, ayaa la sheegayaa inuu haatan usoo kicitimay dhanka Milan si uu caafimaadka berri ugu maro kooxdiisa cusub, isagoo isla Sabtiga Milan kulankiisa 1-aad u safan kara ciyaarta Milan vs Napoli.


Dhanka kale, AC Milan ayaa lagu warramayaa inay qarka u saaran tahay garab weerarka PSV Eindhoven ee Steven Bergwijn, kaasoo ay kusoo xera gelinayso amaah iyadoo ku wada iibsanaysa €20m, sida uu sheegay Radio Rossonera.

Hadalsame Media