Muqdisho oo markale dhadhan DALXIIS caalamka u yeelanaysa + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Jan 2019 – Inkastoo Muqdisho ay wali ku jirto magaalooyinka dalxiisa yaasha ajnabiga aanay ku degdegin sababo la xiriira amaanka gaar ahaan weerarada Shabaab hadana waxay samaynaysaa soo kabasho dhanka muuqaalka ah.

Waxaa bogga caanka ee Tripadvisor, kaas oo laga baarto isla markaana laga sii carbuunto hoteellada, ka buuxda xog wanaagsan oo ay bixiyeen ajnabiga aan tirada badneyn ee dalxiiska u tagey Muqdisho laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii.

Marka aad baarto Muqdisho waxaa kuu soo baxaya xeebta Liido ee qurxoon, waxaana taa ay sababtay in dad badan ay baaraan xog badan oo ku aadan dalxiiska iyo hoteelada Muqdisho.

Iminka meel kasta oo aad dunida ka joogto waxaad qaab weliba ONLINE ah u kireysan kartaa hoteelkii aad doonto ee Muqdisho ku yaalla.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media