Heshiis mar qura go’aaminaya aayaha 4 weeraryahan oo Talaadada soo afjarmaya

0

(Milano) 20 Jan 2019 – Piatek-Milan, waa guur loo gogol dhigay oo uu gaafkii oo qor ihi ka harsan yahay, waana loo ballansan yahay, sida ay u badan tahay Talaadada, markaasoo ay fariisan doonaan dhinacyada ay khuseeyso si ay u qayaxaan tibxaha heshiiska.

Sida ku dhigan caddadkii maanta ee La Gazzetta dello Sport, Leonardo iyo Maldini, ayaa waxay shalay xarunta Cassa Milan ee Via Also Rossi ku qaabileen wakiilka Gabriele Giuffrida, oo ah wakiilka qannaaska reer Polish ee Krzysztof Piątek.

WAX KASTA WAA LA DHAMEEYAY – Heshiiska laacibka iyo Milan si buuxda ayaa la isula meel dhigay oo wuxuu qaadan doonaa 1.8 milyan oo euro (marka laga reebo bareemiyada), kaddibna waxaa la gaarsiinayaa 2 milyan taasoo 4 jeer ka badan lacagta uu ka maanta qaato Marassi.

Talaadadu waa maalinta si rasmi ah loo qayixi doono wax kasta. Genoa way ogolaatay in laacibka lagu qaato 40m oo euro, balse waxaa la turxaan bixin doonaa qaabka lacagtan loo bixinayo oo ay Milan jeceshahay in dhowr xilli lakala bixiyo xeerka FFP dartii, iyo haddii lagu darayo ciyaartooy Milan ka tirsan iyo in kale.

Si kastaba, maadaama ay labada kooxi ciyaarayaan Isniinta ayaa arrinta dib loogu dhigay ilaa Talaadada, balse sida muuqata heshiiskani ku dhowaad waa la isku afgartay.

Dhanka kale, Gozalo Higuain ayay u badan tahay inuusan ciyaarin kulankaasi, waxaana lagu wadaa inuu isla Talaadada u ambaboxo London si uu Chelsea ugu biiro, taasoo iyaduna Morata siinayso Atletico Madrid oo iyaduna markeeda Kalinic u direeysa Monaco.

Hadalsame Media