Adigoo 100 BILYAN haysta saf ma u geli lahayd burger rakhiis ah + Sawirro (Wax ka baro)

0

(Seattle, WA) 18 Jan 2019 – Bill Gates wuxuu ku jira ragga dunida ugu taajirsan, balse waxaa lasoo arkay isagoo saf ugu jira dukaan lagu iibiyo raashinka fudud oo weliba rakhiis ah.

Bilyaneerkan oo la sheegay inuu aad uga helo burger-ka, ayaa lasoo sawiray isagoo saf ugu jira makhaayadda Dick’s Drive-In ee magaalada Seattle, WA, taasoo ay ku farxeen macaamiishu.

Ganacsadahan Maraykanka ah oo hantidiisa kaashka ah lagu qiyaaso $95.5 bilyan oo doollar, wuxuu xirnaa funaanad sahlan oo guduud ah, surwaal dameeri ah iyo kabo caadi ah oo madoow, wuxuuna safka taagnaa isagoo jeebabka gacanta kula jira oo aan is luraynin, Axaddii hore.

Kaaga darane, makhaayaddan ayaa la sheegay inay iibiso raashin rakhiis ah, tusaale, Burger-ku waa $3.40, baradhada shiilani waa $1.90, Coke wayn waa $2.38, waana $7.68 doollar isu gayn.

Haddaba, maxay kula tahay inay ka baran karaan dadka dunida 3-aad, iyadoo ay kun jeer dhacdo in qof ku kibro hanti laga yaabo inuu gargaar ahaan u siiyay isla Bill Gates.

Arrintan ayaa ka mid ah akhlaaqaha ay dhiirri gelinayso xitaa diinteenna Islaamku.

Hadalsame Media