DAAWO: Donald Trump oo markale dunida uga maajiyay ”tala xumadiisa!” + Sawirro

0

(Washinngton, DC) 18 Jan 2019 – Wuxuu ahaa muuqaalkii loogu daawashada badnaa wuxuuna ku saabsan yahay casuumaad uu Trump Aqalka Cad ee Washington DC.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa casuumaddan u sameeyay dhallinyarada ku guulaysatey horyaalka kolejyada dalkaasi Maraykanka ee Clemson Tigers.

Wuxuu soo iibiyey boqollaal hamburger, sidoo kale baradhada shiilan iyo Pizza fara badan.

Kariyayaasha Aqalka Cadi way samayn kari lahaayeen cunno ka caafimaad badan kana macaan, yeelkeede, waa fasaxan yihiin maadaama uu qayb ahaan xiran yahay adeegga DF Maraykanku, taasoo uu sabab u yahay isla Trump oo isku xirey furitaankeeda iyo lacagta ku baxaysa derbi laga dhex dhiso Maraykanka iyo Mexico.

Halkan ka DAAWO…

Trump ayaa sidaa ku eeday tala xumadiisa, iyadoo ay iminka mushahar la’yihiin in ku dhow milyan shaqaale ah oo u shaqeeya DF Maraykanka, wax lagu sheegay xiritaankii ugu dheeraa taariikhda ee adeegga DF.

Guests attending a reception for the Clemson Tigers watch as more French fries are brought out to the State Dining Room of the White House in Washington, Monday, Jan. 14, 2019. (AP Photo/Susan Walsh)

Hadalsame Media