Maxaa ka jira inay ”KHIYAANO” ka dambayso sawirka ”10 Year Challenge”? (Facebook oo jawaabey)

0

(Menlo Park, CA) 17 Jan 2019 – Waqti xaadirkan waxaad la wada socotaan in aad bartaada Facebook, Instagram, Twitter iwm ku arki karto sawirradii ay muddada saaraysay oo u taxan sidii aad u dhigtay muddo 10 sano ka badan.

Kate O’Neill, oo ah gabadha buugga “Tech Humanist,” ayaa sheegtay in marka la doonayo in barnaamijyada weji aqoonsiga la baro astaamaha iyo isbedellada da’da la xiriira, ay muhim tahay in la helo xog muuqaallo ah oo sanado u dhexeeyaan.

“Iminka waxaa barnaamijkan xujaysiga 10-ka sano uu sharikaadkan siinayaa suurtagalnimo ay ku helaan xogta sawirka qofka 10 sano kahor iyo hadda, si loogu tababaro robot-yada ku shaqeeya algorithm-ka ee u barnaamijaysan inay weji gartaan qofka xitaa haddii uu isbedelo da’ ahaan,” ayay O’Neill kusoo xarriiqday Twitter-ka, iyadoo sheegtay in tiknolojiyaddan loo adeegsan karo in lagu helo carruurta maqan iyo arrimo kale.


Shirkado waawayn oo ay ku jiraan Facebook iyo Amazon, ayaa lagu dhaleeceeyay inay ku tuntaan xeerarka khusuusiyaadka qofka ama ay si khaldan u adeegsadaan tiknolojiyaddan dunida ku cusub ee weji aqoonsiga.

Afahyeenka Facebook ayaa arrintan isagoo ka hadlaya wuxuu Fox News u sheegay:

“Waxaa jira sawirro maadeed (10 year challenge) iminka qabsaday baraha bulshada oo iskood u abuurmay. Facebook na ma bilaabin. Waxaannu weliba ku xusuusinaynaa in badhanka weji aqoonsigu uu yahay mid uu qofku damin karo daarina karo xilli kasta.”

Instagram iyo Twitter ayaan weli ka jawaabin arrintan markii uu waydiiyay hilinka Fox News.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media