”Israel dalkeenna xitaa ciyaar uma iman karto!” – Malaysia oo go’aan adag soo saartay (Sabab?)

0

(Kuala Lumpur) 17 Jan 2019 – Dowladda Malaysia ayaa dalkeeda ka mamnuucday ciyaartooyda ka qayb qaadanaysa ciyaaraha Olombikada Naafada oo qabsoomaya bisha Luulyo ee xagaaga, iyadoo weliba sheegtay inaysan mustaqbalka marti gelin doonin tartan ay ka qayb qaadanayso Yuhuudda Israel.

Wasiir Dibadeedka Malaysia ee Saifuddin Abdullah ayaa sheegay in aan qof Israeli ah loo ogolaan doonin ciyaaraha dabaasha naafada olombikada ee 2019 World Para Swimming Championships, kuwaasoo loogu soo baxayo ciyaaraha wayn ee 2020 Tokyo Paralympics.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in aysan marna mustaqbalka marti gelin doonin wax dhacdo ah oo ay ku lug leedahay Israel, arrintaasoo uu sheegay inay ugu hiillanayaan dadka reer Falastiin ee ay Israel dulmiga, gumaysiga iyo caburinta ku hayso.

Labadan dal ayaan caadiyan lahayn xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, waloow ay lahaayeen xiriir heer hoose ah oo dhanka ganacsiga iyo dhaqanka ah.

Hadalsame Media