Imaamka Wayn ee Jaamacadda Azhar oo sheegay inay dadka Soomaaliyeed qorshe u hayaan

0

(Qaahira) 17 Jan 2019 – Imaanka wayn ee Jaamacadda Al Azhar Sheikh Ahmed el Tayyeb ayaa sheegay in ay Al Azhar diyaar u tahay inay kaalmooyin dhowr nooc ah ugu yaboohdo dadka Soomaaliyeed.

Kulan ay la qaateen madaxa Jamciyadda Indheergaradka Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, Sheikh Youssuf Ali, ayaa sheegay in Soomaalida iminka wax ka barata Azhar ay helaan danayn iyo daryeel kasta oo ay u baahan yihiin.

Wuxuu intaa raaciyey in Al Azhar ay tababareeyso aqoonyahanno Soomaaliyeed si looga hortago xagjirnimada iyo afkaaraha la xiriira.

Ali ayaa isna Al Azhar uga mahad celiyay faafinta sida uu yiri aqoonta Islaamka dhabta ah ee ay dunida gaarsiinayaan.

Hadalsame Media