Saddexdan Qodob Ayaa Ku Riixaya Dowladda In Ay Ajinabi Bangiga Ugu dhiibto, Waana Gar!

0

(Hadalsame) 14 Jan 2019 – Waxaa si weyn la isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah.

Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horjeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen.

Maanta ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso.

Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arktay tallaabadaas.

QODOBKA KOWAAD

DEYN CAFINTA – Soomaaliya waxa ay ku jirta habraaca loo marayo sidii ay fursad ugu heli lahayd in laga cafiyo deynta.

Arrintaas, waxaa si weyn isha ugu hayya Sanduuqa Dhaqaalaha Aduunka (IMF) ,Bangiga Aduunka (World Bank) iyo deeq bixiyeyaasha caalamkiga ah (International Donors).

Ilaa iyo hadda, dowladda guulo waa weyn ayey ka soo howsay xaqiijinta wejiyada hore ee habraacaas, balse si loo aamino ama ugu yaraan loo dhiso kalsoonida hay’adaha ay quseyso in Soomaaliya laga cafiyo deynta, madaxda dowladda waxa ay is tusi karaan in shaqsigan ajinabiga ah u noqon karo horseed.

QODOBKA LABAAD

MUSUQA – Maamulka hadda jira ee caanka ku ah “Nabad iyo Nolol’ waxa ay caan ku yihiin ama uga duwan yihiin maamuladii ka horreeyey hufnaanta iyo musuq yarida.

Hase ahaatee, bil kahor waxaa si weyn loogu eedeeyey in Wasaaradda Maaliyadda aysan meel ku sheegin halka ay martay 42m oo Dollar-ka Mareykanka ah kaddib warbixin dheer oo ay soo saareen gudiga maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Taas, waxa ay dhalisay in gudiga kala jabo, qaar go’aanka hore ku adkeystaan, kuwo kale su’aal ka keenaan dhab ahaanshaha arrintaas iyaga oo ku dooday in la siyaasadeeyey.

Arrintaas, ugu dambeyn waxa ay ku biyo shubatay in gudoonka Golaha Shacabka ku kala jabo xilli laba digreeto oo mid lagu kala diray midna go’aankaas lagu buriyey ay soo kala saareen Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal sida ay u kala horreeyaan.

Hadda, dowladda waxaa meesha ku jirta in doorashada shaqsigan ajinabiga ah ay doonayaan in ay ku kasbadaan kalsoonida shacabka ee laga yaabo in su’aalihii ka dhashay eeddii gudiga maaliyadda lumin karto aaminkii ay ku qabeen nidaamka.

Waxaa la hubaa in shaqsiga ajinabiga ah aad u yartahay heerka musuq ee lagu tuhmi karo maadama uu la imaanayo/imaaneyso maskaxiyadda wadamada horumaray ee aan laga aqoon musuqa.

QODOBKA SADDEXAAD

SAAMI QEYBSIGA BEELAHA- Soomaaliya waxa lagu qeybsadaa jagooyinka nidaam qabali ah (4.5). taas waxa ay saameyn taban ku leedahay habraaca loo maro xulista shakhsiyaadka aqoon iyo farsamo (Technocrats) ahaan ku habboon jagooyinka iyo meelaha dowladda u muhiimka ah sida Bangiga dhexe.

Si dowladda uga badbaado in ay ku weyso shakhsiga Soomaaliga ah ee buuxiyey/buuxisay shuruudaha booskaas in uu saameeyo saami qeybsiga ay Soomaalidu wax ku qeybsato waxaa dhici karta in ay ajinabiga uga baxsaneyso xeyn-daabkaas.

Weydiin kama taagnaa in haddii ajinabi xilkaas loo magacaabo aan dowladda lagu dhaliili doonin in xilkaas ay ugu dartay beel jagooyin hore haysay, kuwo xaqoodii duudsiiyey iwm.

W/Q: Mohamed Musa Aden (Moh’ed Kaafi).

Email: Muhamedkaafi@gmail.com

AFEEF: Qoraalkani waa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media