Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas oo xilkii wareejiyay, Cafisna waydiistay shacabka Soomaaliyeed+SAWIRRO

0

(Garowe) 14 Jan 2019 – Madaxwaynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaanka maamulkaasi kadib Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Puntland oo lagu qabtay Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey.

Mr. Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Garaash ayaa 8-bishan ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Garowe oo ay ku tartamayeen musharaxiin ka badan 21 iyo 11 kuxigeen madaxwayne. Madaxwayne Gaas intii ay socotay munaasabada xil wareejinta waxaa uu cafis waydiistay shacabka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliya haddii jiraan buu yiri cid wax iga tirsanaysa.

Hadalsame Media