”Juve oo Serie A hanata maaha LIB uu sheegan karo Ronaldo!” – Ibra oo qaniinyo ku tolay CR7

0

(Los Angeles) 14 Jan 2019 – Zlatan Ibrahimovic oo ah nin lagu yaqaanno in aanu halkiisa la gabban, haddiiba uu ra’yi qabana si saraaxi ah u dhiibta, ayaa qaniinyo ku tolay laacibka Cristiano Ronaldo.

Laacibkan u safta Los Angeles Galaxy oo waraysi siinayay Voetbal Nieuws, ayaa ka hadlay dookh CR7 keenay Juventus, kaasoo uu ku tilmaamay mid aan caqabad wayn (challenge) ahayn. 

“Wuxuu ka hadlayaa hardan, wuxuuna aadey koox horayba ugu qalabaysnayd inay qaaddo Serie A. In Juventus hadda la aado caqabad maaha, way se ahayd sanado yar kahor markii ay Serie B ku jirtey ee ay u baahnayd qof horyaalka kusoo celiya ua qaad.” ayuu ku dooday Ibra.

Waxaa se muhim ah in la dul istaago in Ibrahimovic uu soo hadal qaaday Serie B, waayo waa markii uu ka dhaqaajiyey Juventus oo heerka 2-aad loo celiyey xilligii fadeexaddii Calciopoli.

Qayb ahaanna waa dhab oo Juventus iyadaa sanadahan xoog ku haysata Serie A, yeelkeede, Cristiano Ronaldo wuxuu ku qiil samaysan karaa in sababta ugu wayn ee uu u yimid ay tahay inuu la qaado Champions League oo aanu naadiga Piedmonte il saarin tan iyo 1996-kii, tiiyoo ay 4 jeer final-ka yimaadeen xilligaa kaddib.

Hadalsame Media