Howlgallo baaritaano ah oo ka socda duleedka Magaalada Boosaaso (Sababta)

0

(Bosaaso) 14 Jan 2019 – Wararka laga helayo duleedka Magaalo xeebeedka Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay saaka baaritaano ka wadaan halkaasi.

Howlgalkaan oo aan la sheegin cid illaa iyo hadda lagu qabtay ayaa ka dambeeyay kadib markii qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Puntland ku sugnaa deegaanka la yiraahdo Baliqadar ee duleedka Boosaaso.

Khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada ma soo gaaray weerarkii xalay ayaan wali la heli, hase ataatee waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Puntland waxaa dhowaan ka dhacay isbedel xagga hoggaanka ah iyadoona Madaxwayne cusub loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni oo bedelay Cabdiwali Cali Gaas.

Hadalsame Media