”Horyaalkii Juventus qaadday ee Inter la siiyay wuxuu ahaa ”dheel”

0

(Roma) 14 Jan 2019 – Macallinkii hore ee Juventus ee Fabio Capello ayaa sheekada ah in Inter lagu abaalmariyo horyaalkii 2005-06 ku tilmaamay ‘dheel’.

Capello oo Juve watey ayaa koobkaasi Serie A ku qaaday garoonka, kahor intaan laga rifin ee aan la siinin kooxda Inter oo kaalinta 3-aad ka gashay horyaalka, kaddib markii Juve lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha fadeexaddii Calciopoli.

“Dheel bay ahayd sida cadna waa cadaalad darro in koobkaa Scudetto-ha la siiyo Inter,” ayuu yiri Capello oo u warramay Radio Anch’io Sport.

“Waqtiga lama xushmayn xeerarkuna ma saamaxaynin in cadaalad isboorti xilligaa loo hirgeliyo si saaxi ah. Guido Rossi [oo ahaa Guddoomiye aan toos ahayn ee xilligaa wadey xiriirka FIGC] wuu ku deg degey go’aankaasi.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media