Al-Shabaab oo toogasho ku dishay sarkaal ay ku eedeysay inuu Daacish ka mid ahaa

0

(Buaale) 14 Jan 2019 – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa toogasha ka dhacday Magaalada Buaalle ee xarunta gobolka Jubbada dhexe halkaasi oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay dishay sarkaal ay kaga shakisanayd inuu ka mid ah ururka Daacish.

Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] ayaa lagu toogtey gudaha degmada Buaale waxaana taasi ay ka dambeysay kadib markii Sirdoonka Al-Shabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay kooxda Daacish.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab waxaa ka dhaxeeya xifaaltan iyo dagaal waxayna isku qilaafsan yihiin ama ku loo lamayaan qaadista lacagaha ay ku tilmameen “Zakada”, kuwaas oo laga qaado ganacsatada iyo dadka shacabka ee xoola dhaqatada ah.

Hadalsame Media