Shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar oo la tiro koobayo (Sababta)

0

(Muqdisho) 13 Jan 2019 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in la tira koobayo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar waxaana uu daaha ka rogay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saaro dadka labada dhinac mushaarka ka qaata.

Mr. Yariisow ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku howlanaa sidii shaqaalaha Dawladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaangelin lahaa.

Waxaa arrimahaasi qayb ka ah Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badali-doonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro iyo tayaba leh.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dhankoodana ay ku dadaalli doonaan sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh oo ku habboon howlaha loo idmaday.

Hadalsame Media