Howlgallo Millatari oo ka socda gobolka Hiiraan (Faahfaahin)

0

(Beledwayne) 13 Jan 2019 – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dhaqdhaaqyo Millatari oo ay wadaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegeen Saraakiil ciidan.

Howlgalladan ayaa la sheegay in lagu doonayo in gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada u dhaxeeya Beledweyne iyo Maxaas looga saaro dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen gaadiidka dagaalk oo ay wataan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka baxay Beledwayne islamarkaana ku sii jeeda deegaanada hoostaga degmada Maxaas.

Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jenaraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgaladan cusub ay guul ka gaareen, waxaa uuna sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen Al-Shabaab sida u hadalka u dhigay.

Yeelkeede, ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijin kara sheekada saraakiisha Millatariga ee gobolka Hiiraan.

Hadalsame Media