Dad Soomaaliyeed lagu xiray dalka Tanzania (Sababta ka dambaysa)

0

(Dar es Salaam) 13 Jan 2019 – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaday in la billaabayo howlgal balaaran oo lagu raafayo muhaajiriinta dalkeeda ku soo qul qulaya si ay uga sii gudbaan. Xaduudaha Tanzania ayaa la sheegay inay marin muhiim u yihiin Muhaajiriinta doonayo inay gaaraan dalka Liibiya si ay uga sii tahriibaan oo ay u galaan dalalka Yurub gaar ahaan Talyaaniga.

Wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Kangi Lugola ayaa fariin adag u diray saraakiisha laamaha socdaalka ee dalkiisa isagoo faray inay billaabaan howlgallo saf balaaran ah oo ay ku galayaan gurri walba gaar ahaan deegaanada ku teedsadan xaduudaha dalkiisu la wadaago dalalka Uganda, Rwanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koonga.

Howlgalladan ayaa la filayaa inay soo idlaadaan kahor waqtiga doorashooyinka maxaliga ee dalkaasi oo la filayo inay dhacaan bartamaha sanadkaan.

Waxaa howlgalkaan barbar socon doonaan in dib u habeyn lagu sameeyo kaararka aqoonsiga muwaadinimo ee la siiyay dadka u dhashay Tanzania, si looga fogaado in muhaajiriintu isku ekeysiiyaan muwaadiniinta dalkaasi.

Asbuucii la soo dhaafay ayay Booliska dalkaasi Tanzania waxay xireen ugu yaraan 11 ruux oo Muhaajiriin ah kana soo jeeda Soomaaliya kuwaas oo si sharci darro ah ku galay dalkaasi.

Hadalsame Media