DAAWO: Dal Afrikaan ah oo soo saaray gawaari & dad gaashaaman (Arag waxa ay Somalia soo saartay?)

0

(Accra) 13 Jan 2019 – Gaari wayn oo gaashaaman – sida loo badinayana hubaysan – iyo ciimado laftoodu iskood u gaashaaman ayaa lagu soo bandhigay dalka Ghana mar lagu jirey carwo dhanka tiknolojiyadda ah oo uu dalkaasi ku muujinayay wax soo saarkiisa maxalliga ah ee tiknolojiyadeed.

Habkan casriga ayaa lagu soo bandhigay carwadan oo lagu qabtay caasimadda dalkan dhaca Galbeedka Afrika ee Accra taasoo qayb ka ahayd dufcaddii 38-aad ee Bandhigga Tiknolojiyadda (Technology Exhibition), oo ay qabteen Kantanka Group, sida lagu faafiyay warfaafinta gudaha.

Gaariga gaashaaman oo ah sidoo kale qaadi kara unug ciidamo ah (APC) oo ah kuwo gaashaaman (‘exoskeleton-clad’) ayaa si tartiib ah usoo maray fagaaraha jeer ay u sacbinayeen daawatadu, waxaana deeto tayada iyo habka shaqo ee hubkan isha marinayay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dalkaasi.

Ghana 3 sano oo qura ayay Somalia kaga horreeysey xornimada, iyadoo maanta aanay Somalia soo saarin wax sidaa uga badan khilaaf, qarax, qaxar iyo muran ma dhalays ah oo iminka caalami noqday, marka wax laga eego dhanka tiknolojiyadda dhaxal-galka ah ee wax anfacda.

Kantanka ayaa sidoo kale samaysa gawaari caadi ah oo ay qaarkood iminka isticmaalaan rayidka iyo ciidamada dalkaasi.

Hadalsame Media