Abaanduulaha Ciidamada Yuhuudda oo qirtay khalad ay ka galeen qarannimada Suuriya + Muuqaal & Sawirro

0

(Tel Aviv) 13 Jan 2019 – Abaanduulaha sii tegaya ee Ciidamada Xoogga Yuhuudda ee IDF ayaa ku faanay inay Suuriya u duqeeyaan si “ku dhowaad maalinle ah” muddo sanado ah, wax uu ku sheegay qorshe lagu wiiqayo inay Iiraan cudud millateri goobtaa ku yeelato.

Ciidamada Difaaca Yuhuudda ee IDF ayaan badanaa qiran jirin inay duqeeyaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, balse abaanduulahan ayaa qirtay inay dalkaa ku qaadeen olole duqayn ah oo xooggan taasoo lid ku ah waxa lagu sheego xeerka caalamiga ah iyo madax bannaanida gayi ee Suuriya.

Sanadkii 2018 oo qura, Israel waxay dalkaa dagaallada sokeeye la dhacdhacaya ku tuurtay 2,000 oo bambo oo ay ku toogatey bartilmaameedyo ay ku doodayaan inay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya.

Gadi Eisenkot ayaa u arrintan uga dhacay majaladda New York Times oo waraysi ka qaadday, jeer uu todobaad kaddib ka howlgabayo abaanduulannimada.

“Waxaannu duqaynay kumannaan bartilmaameed anagoo aan mas’uuliyadda sheegan ama aan amaan ku raadsant,” ayuu Eisenkot ku faanay isagoo jees jeesaya, isla markaana qiranaya inay “ku dhowaad si joogto ah” dalkaa u duqeeyaan.

Bishii Sebtembar, dayuurad F-16 ah oo ay Yuhuuddu leedahay ayaa gantaal S-200 ah oo ay iyada kusoo rideen uga gambatay dayuurad basaas ah oo Il-20 ah oo ay Ruushku lahaayeen, taasoo ka caraysiisay Ruushka oo Suuriya siiyay gantaalaha S-300 kuwaasoo ilaa xad awood u siiyay inay iska caabiyaan duqaymaha Yuhuudda.

Halkan ka eeg Netanyahu oo ku faanaya cududda ciidamadiisa cirka…

Miigagga Ruushka ee Su-24 oo hoganaya saldhigga ciidamada cirka ee Khmeimim, Suuriya

Hadalsame Media