MAAFIYADA SOMALIA: Baro inta qaybood ee ka QOOWLAYSATA Somalia & waxa ay qabtaan

0

(Hadalsame) 12 Jan 2019 – Dalka soomaaliya waxaa kajira maafiya aad u awood badan sida caadiga waa isku xiranyihiin ayagoo kukala qeybsan ujeedooyinka gurracan ee uu mid kastaa goonidiisa uwato sida shabakadaha caalamiga ah ee daroogada iyo hubka iibiyaba oo kale.

Shabakadan waxay isugu jiraan soomaali iyo ajaanib shabakadani ma ahan qofaf iyo shaqsiyaad kaliya ee waa madax heer dowlad goboleed iyo heer qaran sidoo kale waxaa kujira shabaabka iyo ganacsato qowleysato ah
Ajaanibta waxaa ka mid ah qolyahaasi Mareykan, Imaaraad, Sucuudiyaan, Iiraan, Turki, Ingiriis, Qadar, China, Hindi, Filibiin, Spain, Holand, Faranriis iyo talyaani ah

HOWLAHA AY QABTAAN

Shabakadan howlaha eey qabtaan waxaa kamida qaraxyada,iib geysta xashiishka iyo dhuxusha sidookale iibinta hantida guud ayadoo laga iibinayo ajaanib iyo soomaali ganacsato qowleysato ah.
Sameeysashada makiinado sameeya lacago been ah oo lagu dhacayo hantida dadweynaha. Qaadashada macaadinta dalka.

Faafinta aragtiyo diimeed sumeysan oo dadka lagu kala qeybinayo:

Heshiisyada lagu dhiibay dekadaha iyo in dhulka dowladu leedahay lasiiyo shaqsiyaad waa qeybta guud ahaan dalka gees ka gees wada saameysay
Halka xashiiska badankiisa lagu beero shabelada hoose iyo jubooyinka waloow uu hoos udhacay inti shabaabku hoos udheceen waxaa aad uga faa’iiday qolya mareykan ah iyo shabaabka.

Dhuxusha maamulka juba land ee axmed madoobe hormuudka uyahay ayaa mashruuceeda heysatay ayadoo eey kulamaananyihiin shabaabku
Lacagta beenta ah maamulka budleyn oo gaas uu hormuudka u ahaa ayey aad uga jirtay.

Waloow arrinkaas mid aan kadhicin uu kajiro soomaaliland oo ayadana dadka lagu ridayo dhaqaale beel uu maamulka muuse hormuudka ka yahay waddo.

Qaraxyada badanaa waxay kadhacaan xamar oo ah caasimadda xigmadda eey isticmaalayaan ayaa ah hadii caasimadda aan dumino majireyso dowlad nagula xisaabtanto ficillada gurracan ee aan sameyneyno
Waxaana fuliya shabaabka oo arrinkan ka ah adeegayaal.

BILILIQADA MACAADINTA – Midaan waa laba nooc:

1 – MACAADINTA NOOL

A) Iibgeeynta jaadadka duurjoogta waxaa badankooda loo iibgeeyaa wadamada Khaliijka.

B) Kalluunka badda laga xaalufiyo waxaa kuheshiis ah burcad heer caalami ah oo qaarkood shatiya heystaan qaarna aaney heysan spain,holand,filibin,india iyo china iyo qaar kaloo badan.

2 – MACAADINTA AAN NOOLAYN.

Dhagaxa qeyriin oo badankeeda eey qaataan mareykanku
Arrinkan waa mid si aan isdhimin uga socda xarunta ciidamada mareykanku kuleeyihiin balli doogle oo si joogta ah ayey uqaataan macaadinta ayadoo eeysan jirin cid yac dhihi kartaa.

Faafinta fikradaha diimeed ee ladoonayo in lagu kala qeybiyo bulshada
Arrinkan waa arrin guud ahaan wadanka kasocda waana mid aad uxoog leh waana laba nooc:

A) Waa in diinta kirishtanka laga faafiyo wadanka ayadoo eey iska kaashanayaan kaniisadaha neyrobi iyo kamabala maal gelintana eey leeyihiin dowlado reer Galbeed ah sida Ingiriis, Mareykan,Faransiis iyo Talyaani kama marna guud ahaan midowga Yurub iyo iyo Kanada.

B) Waa mid diinta islaamka oo qola kasta eey noogusoo dartay arrima jeebkooda ah eey nookeenaan ayadana waxaa kujira dowladaha Khaliijka, Iiraan, Turki, Faransiis, Mareykan iyo Ingiriis oo ayagu Shiiqul Kulli ah.

HANTIDA GUUD – Hantida guud waa waxa umada kadhexeeya oo dowladnimadu u horreyso xarumaha dowladda dugsiyada, jaamacadaha,xeryahaha ciidamada dekadaha waxaasoo idil waa hanti guud
Qeybtan waa qeybta ugu hororsan waayo waxaa soo hoos gala qaraxyada oo dowladnimada lagu curyaamiyo laguna dilo dad badan oo wax gal ahaa iyo in si saf mar ah loolaayo.

Xamar tan iyo inti dowladdu kusoo laabatay oo degaanshaha lahelahay waxaa aad ubaahayey boobka sharciyeysan ee lagu hayo hantida guud waayo xirfadaha eey isticmaalaan shabakaddan waxaa kamid ah in xataa hadii loobaahdo saxiix madaxweyne eey la imaanjireen sax iyo beenba iney laaluushaan garsoorayaasha amaba eey heshiisyo la galaan qaarkood si eey ugu xugmiyaan xumaanta uguna xalaaleeyaan.

Hargeysa xilligi siilaanyo ayaa ladhiibay qandaraasyo wada fashil ahaa oo qanacsato lagu siiyey sifo aan sharci ahayn dhul dowladeed muuse markuu yimidna kuwi inta ka qaaday ayuu kuwa kale siiyey halkeedi ayeyna kasiisocotay bililiqadi lagu hayey hantida guud. Xamarna xilligi xasan sheeq ayey aad udhaceen falalka noocaan ah waxayna gaareen heerki ugu sarreeyey.

Kaddib imaatinki farmaajo waxaa hoos udhac ku yimid iibinti iyo boobki dhulka dowladda oo ahaa arrin loo baahnaa haba soodaahee
Shabakaddan waxay ladhiil gareeyaan gudoomiyaha gobalka ilaa madaxweynaha sida muuqata madaxweynuhu waa ku adkeeyey lkn gudoomiyaha ayey kahelaan gacan sababihi taabit xilka looga qaadayna waxaa kamid ahaa iibin dhul dowladeed gudoomiye yariisoow naftiisa ayaa asaguna kudhacay isla godki uu taabit kudhacay waana sababta keentay iskudhacan cusub.

Xamar nin kasta oo gudoomiye kanaqdo markuu arko heshiisyada waallida ah ee lama diidaanka ah wuxuu ku haftaa muquurashada hirarka wasaqeeysan ee lagu cunayo hantida dadweyne waxayna tamanniyaan in eey umadax banaanaadaan waana saabta eey usoowada hadal qaadaan maqaamka xamar.

Waxaa jirtay in nin kamid ahaa dhalinyara gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka kamid ahaa uyimideen ganacsato qowleysato ah oo eey kudheheen sxb 50 kun qaado ee noo ogoloow meel heblaayo inaan dhisano
Suuye waa edeb darantihiin ee iiga baxa xarunta degmada hantidan umadda ayaa leh lamana iibinayee.

Af cad ayey kudheheen sxb hadaad diido nimaan diideey ayaan ugeheynaa
Gudoomiyihi gobalka ayey 100 kun ugeeyeen markaasuu soowacay asuu kuyiri waryaa raggaas fasax nacasyahoow adaa cadiinta iskasoo daayee
ragina sidaas ayey howshooda kufushadeen.

GUNAANAD – Soomaalidu waa in eey lahaadaan aragti ka maran caadifadda oo eey naqdaan dad wax kadhaxeeyaan waana iney utabaabusheystaan cadaw kadhicin iyo dheefsashada dheefta dalkooda
Arrinkaas wadada eey umarayaan waa iney ahaato mid dowladnimo ah oo eey naqdan dad dowladeed kana baxaan ahaanshaha qabaa’ilka waayo dunidu qabiil lama tacaamuleyso

Qolayaha maafiyada ahna waxaan leeyahay xasuusnaada waa leedinku daba joogaa goor eey ahaataba in leedinsoo qabqaban doono sharcigana leedin horgeyn doono

”Maalmahana tuugu waa afartan” – Maahmaah sawaaxili ah

Waxaa Qoray: Axmed Cali (Siyaasi)

Hadalsame Media