Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland oo sheegay inay si buuxda ula shaqayn doonaan dowladda dhexe

0

(Garowe) 12 Jan 2019 – Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Puntland Cabdi xakiim Maxamed Axmed ayaa ka sheegay Magaalada Garowe in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ah ee soomaaliya ayna ballan qaadayaan sida uu yiri inuusan soo laaban wax khilaaf ah mar kale.

Mr. Axmed ayaa sheegay in dowladdaha dhexe laga doonayo inay hagaajiso siyaasadda dhaqaalaha iyo amniga si dalku u gaaro doorasho xalaal ah sanadkan 2021.

Wafdi u badan Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa ku sugan Magaalada Garowe waxayna wadahadalo hoose la yeesheen Madaxwaynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Khilaafkii dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah Maamullada ayaa hadda u muuqda inuu sii dhamaanayo waxaana taas sabab u ah isbedelada siyaasadeed ee ku dhacay hoggaanada qaar ka mid ah maamullada.

Hadalsame Media