Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

(South Africa) 12 Jan 2019 – Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa weeraray goobo ganacsi oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalkaasi.

Burcada ayaa la sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu tageen goobahooda ganacsi iyagoo gaystay falal isugu jira dil iyo dhac sida wararku sheegayaan.

Abdirahman Shekh Ukun oo ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in la dilay labo ruux oo Soomaali ah halka mid kalena la dhaawacay.

Muwaadintiinta Soomaaliyeed ee la dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullaahi Maxamuud waxayna ahaayeen ganacsato aad looga yaqaanay dalkaasi.

Hadalsame Media