DARDAARANKII ASKARIGA DHINTAY! Waa warqad kaa ilmaysiin doonta balse cilmi badani kaaga kordhi doono (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 11 Jan 2019 – Mid kamid dagaalladii dunida ka dhacay, askari ayaa jeebkiisa laga helay warqad uu qoray ka hor dhimashadiisii, waxa uuna ku qoray sidatan:

Hadii aan dhinto wax walba ha rumeysanina, hadii ay hooyadeey barnaamijka TV-ga ka tiraahdo: Wuxuu jeclaa inuu shahiido, waxa uuna oran jiray “Waan dhiman oo waan dhiman si uu dalka u noolaado” ha rumeysanina.

Aniga sidaa maan oran, idinka ayaana idinla mid ahay, waana jeclahay nolosha sida aad idinkuba u jeceshihiin, mana rajeynayo inaan dhinto laakiin Wariyaha khamaarka cas xiran ayaa sidaa ku qancisay hooyadey in ay tiraahdo.

Saaxiibkeyga sawirkeyga ku dhagsaday gurigiisa ee ku dul qoray gabay uu ku barooranayo inaan shahiiday, ha rumeysanin waa munaafaq weyn, meeqa goor ayaan lacag deyn ah weydiistay balse waa uu iga dhuuman jiray.

Madaxweynaha xitaa ha rumeysanina marka uu xafladda aaska qaran kaga sheekeynayo dagaalyahan-nimadeyda iyo sidaan u jeclaa dalkeyga, ma aragtaa suudka quruxda badan ee uu xiran yahay waxaa uu ka iibsaday saadkii ciidamada loogu talagalay oo uu lunsaday.

Wax aanu nahay ilmihii fuqarada magaalada sidaas ayaan ku noqonay shidaalka dagaalada ay hurinayaan.

Ilmaha Madaxweynaha, dalka dibadiisa ayay ku dhaqleynayaan baararka iyo meelaha lagu nasto.

Kuwaa xabadaha kor u ridaya si ay u iclaamiyaan tacsiyadeyda iyo baroordiiqdeyda, ma garaneysaan qolada ay yihiin?!!

Weligeey dagaal kuma arag sida ay sheegayaanna ma ihi geesi waxbana kama garanayo geesinimada iyo xittaa astaamaha jaceylka waddanka.

Balse qorigan waa sida dumarka oo kale oo ragannimo baas oo nacasnimo ah ayuu kaa soo saarayaa.

Hadda in aan xabbad ama madfac agteeyda ku soo dhacay ku dhinto iyo in aan khasab ku dhinto wax farqi ah uma dhexeeyaan.

Ha rumeysanina wax aan ka aheyn baroorta iyo oohinta hooyadey marka ay kali noqoto ama niyad jabka Aabahey, ama ilinta gabar aan jeclaa oo aan wax badan u ballan qaaday in aysan waxba iga xumaan dooonin.

Indha fuloow hurdada waa, iyo kuwa mar walba ku heesa halgankeenna.

Wax badan ayaan isweydiiyay maxay carruurta dadka saboolka ahi oo kaliya u shahiidaan?! Iyaga kaliya dalka u difaacaan, iyagoon xitaa hal mitirna dhulkan ku laheyn, iyaga oo qabrigooda xittaa loo iibiyo, maxaanan u maqlin geerida masuul, ama ilma uu dhalay oo dhimanaya dalka?! Su’aalahan Jawaab maloo helay dhimashadeyda kadib?

UGU DAMBAYN – Waan ka xumahay wadankeygiiyoow adiga dartaa uma dhimanin, balse wax aan u dhintay si aan quud uga helo dal aan ii diyaarinin waxyaabihii ugu yaraa ee aasaaska u ahaa noloshan.

Waa runta aysan madaxdu jeclayn.

Qore: Maxamed Dugoow

Hadalsame Media