DAADIYA DOOLLARKA: Ruushka oo oo iska bedeley doollarkii ugu badnaa! (Lacagaha uu u guurey)

0

(Moscow) 10 Jan 2019 – Bankiga Dhexe ee dalka Ruushanka ayaa ku dhaqaaqay tillaabo uu kaga sii fogaanayo ku tiirsanaanta Doollarka Maraykanka isagoo ilaa $100 bilyan oo doollar u bedeshey lacagayoowga euro, Japanese yen iyo Chinese yuan.

Waxaa dheer saamiga lacagta adag ee Maraykanka ee uu Ruushku lahaa ayaa aad hoos ugu dhacday 3-dii bilood ee u dhexeeyay Maarso iyo Juun 2018, iyadoo ka timid 43.7 boqolkiiba, hoosna ugu dhacday 21.9 boqolkiiba, percent, sida ka muuqata tirakoobka Bankiga Dhexe ee dalkaasi, rubucii ugu dambeeyay sanadkii tegey.

Lacagahan doollarka laga soo bedeley ayaa dhanka kale kordhinaya saamiga Ruushka ee euro ilaa 32 boqolkiiba, Chinese yuan ilaa 14.7 boqolkiiba. Ilaa 14.7 boqolkiiba ayay Ruushku ku maalgashadeen dalal kale sida Geniga Britain (6.3 boqolkiiba), Japanese yen (4.5 boqolkiiba), sidoo kale Canadian (2.3 boqolkiiba) iyo Australian (1 boqolkiiba) doollar.

Tan kale, hantida uu lacagaha qalaad ku maalgashaday Bankiga Dhexe e Ruushka iyo dahabka ayaa ka korodhay $40.4 bilyan oo doollar min Luulyo 2017 ilaa Juun 2018, iyadoo iminka gaartey $458.1 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media

Facebook Comments