Booliiska Las Vegas oo barwo u jaray Cristiano Ronaldo (Maxkamadaha Talyaaniga oo la wargeliyey)

0

(Las Vegas) 10 Jan 2019 – Booliiska magaalada Las Vegas ayaa barwo u jaray laacibka Cristiano Ronaldo si looga qaado dhecaanka hidde-sidka ee DNA kaasoo laga eegayo inay is waafaqayaan dhecaan laga helay eedaysane kufsi.

Warqaadka Wall Street Journal ayaa werinaya in maamulka magaaladaasi ay barwada u direen maxkamadaha Talyaaniga, maadaama uu Ronaldo ka dheelo horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Portuguese ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya inuu kufsaday Kathryn Mayorga, kuwaasoo uu bishii Sebtembar hawada soo geliyay warqaadka Jarmanka ah ee Der Spiegel, taasoo uu Ronaldo aad uga xumaaday isagoo tillaabo sharci ah ugu gooddiyey.

Sida uu qorayay wargayskan Jarmanka ah, gabadha Ms Mayorga oo 34-jir ah ayaa markiiba dacwad gaarsiisey booliiska Las Vegas iyadoo sheegaysa inuu Ronie ku kufsaday meel hoteel ah 2009-kii.

Hadalsame Media