Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qaybgalaysa dalka Jordon+SAWIRRO

0

(Jordon) 09 Jan 2019 – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan halkaasi oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta waxyaabaha la xiriira deegaanka iyo sidoo kale arrimaha is-bedelka cimilada aduunyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay uu hamiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya oo saameyn xoog leg ay ku leeyihiin xaalufinta iyo jaridda dhirta.

Hadalsame Media