Wararkii ugu dambeeyay doorashada hoggaanka maamulka Puntland

0

(Garowe) 08 Jan 2019 – Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada hoggaanka maamulkaasi oo la filayo in saacadaha soo socda ay si rasmi ah u billaabato.

Doorashadan oo ay ku loo lamayaan 21 musharax ayaa waxaa la filayaa in isla maantaba la soo gabogabeeyo waxaana aad indhaha loogu wada hayaa natiijada doorashada.

Amaanka Magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana xayiraad la saaray dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadwaynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Hadalsame Media