Siciid Cabdullaahi Dani oo noqday Madaxwaynaha cusub ee Puntland

0

(Garowe) 08 Jan 2019 – Hoggaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa ku guulaystay Siciid Cabdullaahi Dani kaasoo ka guulaystay musharixii ku soo xigay Generaal Asad Cabdullaahi.

Siciid Dani ayaa helay 35 cod halka Generaal Asadna uu helay 31 cod, waxaana sidaas Madaxwaynaha Puntland loogu doortay Siciid Cabdullaahi Dani shanta sanno ee soo socota.

Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa wareegii horeba ku haray isagoo helay 8 cod kaliya. Waxaa hadda la filayaa in la billaabo doorashada Madaxwayne kuxigeenka Puntland.

Hadalsame Media