Hardanka Barella oo ay isku hayaan Arsenal, Napoli iyo Chelsea oo…

0
Cagliari (CA) 21 01 2018 Sardegna Arena - Campionato Serie A TIM incontro Cagliari - Milan Nella foto: Nicolò Barella SILPRESS/ENRICO LOCCI

(Cagliari) 08 Jan 2019 – Sida ku dhigan warqaadyada Sky Sport Italia iyo Corriere dello Sport, Sarri ayaa ku adkaysanaya helitaanka laacibka soo baxaya ee Nicolo Barella iyo hujuumka AC Milan ee Gonzalo Higuain oo uu doonayo isla bishan Jannaayo si ay kooxdiisa u tayeeyaan.

Yeelkeede, sida laga ogaadey warkii uu ka yiri saxiixii Christian Pulisic oo ay Chelsea kasoo qaadatay Borussia Dortmund, waxay u muuqataa in aanu naadigu wax dan ah ka lahayn dhegeysiga warkiisa ama qiimaynta aragtidiisa.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Chelsea ay ka baxayso hardanka Barella oo u safta Cagliari oo maalmo ka hor la sheegayay inay u gaartey €50m oo euro.

Bidaalkooda, Napoli ayaa noqotay kooxda ugu cad cad saxiixiisa oo ku kacaya €45-50m, balse waxay dalab noocaas ah samayn karaan dhamaadka fasalkan. Xalka qura ee ay bishan hayaan waa iibinta Allan oo ay daba joogto Paris Saint-Germain.

Sky Sport Italia ayaase digniin cusub soo saaraya waana kooxda Arsenal are oo aan la yaraysan karin xiisaha ay u hayso Barella.

21-jirkan aan taakada la cabsan ayaa lala meel dhigaa Verratti wuxuuna ku qaabsan yahay kubadda xoogga ku dhisan ee EPL.

Hadalsame Media