Faahfaahin ku saabsan duqeyn cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab

0

(Chad) 08 Jan 2019 – War ka soo baxay taliska Maraykanka ee Africom ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay 6-dii bishan Koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Koonfur Galbeed,Soomaaliya,waxaana laga fuliyay duqeyn xagga cirka ah,oo lagu beegsanayay Al-shabaab.

Lix ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka howlgalkan ku tilmaamtay mid loogaga hortagayaya Alshabaab kuwaas oo qorsheynayay in ay soo maleegaan falal argagixisanimo ah,iyo cabsi gelinta bulshada deegaanka.

Hadalsame Media