Dowladda dhexe ee Soomaaliya oo u hambalyaysay Madaxwaynaha cusub ee Puntland

0

(Muqdisho) 08 Jan 2019 – Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa fariin hambalyo ah u diray hoggaamiyaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani oo maanta lagu doortay Magaalada Garowe

“Waxaan hambalyo aniga iyo dhammaan madaxda qaranku u diraynaa madaxwaynaha cusub ee dowlad goboleedka puntland Siciid abdulahi dani oo ah shakhsi aqoon leh o somaaliya iyo puntland ku hogaamin kara horumar iyo midnimo Hambalyo Hambalyo Hambalyo”, ayuu yiri Mudane kheyre.

Doorashada Puntland oo ahayd mid xiiso gaar ah leh ayaa waxaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiwali Cali Gaas lagu reebay weerigii kowaad isagoo helay sideed cod oo kaliya taasoo noqotay filan waa.

Madaxwayne Gaas ayaa horey loogu eedeeyay inuu khilaaf ba’an ka dhex abuuray maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe Soomaaliya.

Hadalsame Media