DEG DEG: Wefdi ka socda DF Somalia oo u duulay magaalada Garoowe + Sawirro

0

(Muqdisho) 08 Jan 2019 – Wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow ka Duulay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho iyagoo ku sii Jeeda Magaaladda Garowe.

Wefdigan oo xildhibaano iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya ka Mid ah ayaa Mudooyinkan Ku Xayirnaa Magaaladda Muqdisho ka dib Amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxtooyadda Magaaladda Garowe.

Wefdiga oo aad u Daneynayay inay ka Qeybgallaan Doorashadda Madaxweynaha Puntland ayay Maanta usuura gashay in ay Garowe u Duulaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasaaradda Amniga Puntland ay soo saartay Amar mamnuucaya in Wefdiga Dowladda aysan Tagi karin Garoe balse isbadalka ka dhacay puntland ay Wafuudan u amba baxeeen.

Xigasho: Deperani

Hadalsame Media