DAAWO: ”Cid na caburin kartaa ma jirto!” AAW iyo madax ka tirsan Wadajir oo ka hadlay shir ay sheegeen in laga joojiyay + Sawirro

0

(Muqdisho) 07 Jan 2019 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda ku eedeeyay inay ka beneddey shir siminaar ah oo ay ku qabanayeen magaalada Muqdisho.

Warsame oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay meesha ku qabteen siminaar 3 maalin socon lahaa oo maanta lasoo abyi lahaa, wuxuuna sheegay in uu amarku ka yimid madaxtooyada iyo Madaxwayne Farmaajo sida uu yiri.

Nin la yiraahdo Prof Xasan Sh Cali Nuur oo sheegay inuu bixinayay siminaarka ayaa isna ka hadlay waxa uu ku saabsanaa siminaarka ay bixinayeen iyo qodobbadii ay kusoo qaateen.

Warsame ayaa bartiisa kusoo qoray sidatan: ”Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir.

Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa cabburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday. Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.”

Weli lama oga sida ay wax u dheceen iyo cidda soo amartay ciidamadan maadaama aysan jirin ilo madax bannaan, dowladduna weli kama hadlin arrintan.

 

Hadalsame Media