Baro 6 qaybood oo jirkaaga ka mid ah balse aan wax kuu qaban! (Qaybtii 3-aad)

0

Timaha Jirka (Arrector Pili)

(Hadalsame) 03 Jan 2019 – Waxaa jira xubno ka mid ah kuwa jirkaaga oo aan wax shaqo ah u qaban jirka insaanka (vestigial organs), kuwaasoo caadiyan cabbir ahaan ka yar kuwa kale.

Xubnahan shaqo la’aanta ah ee aysan jirin wax ay ku tooran yihiin marka wax laga eego dhanka qaab dhismeedka jirka iyo shaqada xubnihiisa ayaaba mararka qaar dhib keeni kara gaar ahaan haddii ay jiradaan iyadoo aysan jirin dheef lagu qabo, sida ay qabaan culimada caafimaadku, waloow ay u badan tahay inay jiraan wax aynaan ogayn oo uu ALLE ogyahay.

XUBNAHAA/QAYBAHAASI WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Raaraca hoose ee mindhicirka (Appendix)
  2. Goows Caqliyeedka (Wisdom Teeth)
  3. Timaha jirka ama Body hair (Arrector Pili)
  4. Daba qanaanta ama Tailbone (Coccyx)
  5. Ibta naasaha labka (Male nipples)
  6. Meesha guduudan ee gasha isha ee ku taalla laba gees ee isha ama Third eyelid (Plica semilunaris).

Iminka bal aanu mid mid u dul istaagno si aannu iskugu dayno in aannu si faahfaahsan u aragno waxa ay qabtaan, haddiiba ay jiraan inay wax ku tooran yihiin.

3. Timaha Jirka (Arrector Pili)

Waxaannu wada ogsoonnahay jiritaanka timaha jirka, balse waa maxay erayadan Laatiinka ah ee arrector pili. Waa miiqyo murqeed sabab u ah dareenka la yaabka leh ee aanu u naqaanno “jiriricada”. Marka laga shaqaysiiyo arrector pili dhamaanba timaha kasoo baxaya godyadiisa (follicles) way isaagayaan, taasoo dhalinaysa jiriricada jirkeenu dareemo.

Jiriricada xayawaannada qaar waa u muhim sida bisadaha, oo taagidda iyo bararinta tinta ay jirijiracada ku taagtey u adeegsata inay u muuqato xayawaan ”ka wayn” inta ay xajmi ahaan la egtahay, taasoo ka waabisa bahalaha ugaarsada qaarkood, balse tinta jirka insaanku aad bay uga yar tahay midda dhogorleeydaas mana laha murqo la farayaal ah oo uu ku koontorooli karo murqaha kiciya tinta, sidaa darteed, waxay uun kaliya na dareensiiyaan inay jiraan wax aannu ka cabsanayno biyo qaboowba ha ahaadeene!

Haa, way jiraan dad qaba in tinta jirku ay qaboowga naga celiso, balse tinta sidaa u cufan oo awooddaa yeelan karta ma aha, xitaa midda madaxu ma laha wax ka badan in aan xarrago ahaan hannaankeenna ku qurxinno, laakiin caafimaad ahaan wax shaqo ah oo wax ku ool ah ma qabtaan.

La soco qaybtii 4-aad…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media